Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan
BEIRUT, Lubnaan – Afar askari oo ka tirsan ciidanka Israel, oo uu ku jiro taliye sare, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulada Kfar Tebnit ee koonfurta Lubnaan, sida ay sheegeen milatariga Israel.
Milatarigu waxa uu sheegay in weerarka oo dhacay saqdii dhexe ka dib lala beegsaday taangi ay wateen ciidamada, taas oo sababtay dhimashada dhammaan afarta askari ee saarnaa. Shan askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerar kale oo ka dhacay isla aaggaas saacado kadib.
Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabay Lt. Col. Dor Gedalia Ben Simhon, oo ahaa taliyaha guutada 52aad. Sida ay sheegeen militariga Israel, waxa uu xilka la wareegay 20-kii April 2024, kadib markii taliyihii hore ee guutadaasi uu dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray dagaallada ka socday koonfurta Lubnaan.
Milatarigu waxa uu sheegay in Ben Simhon uu ahaa sarkaal sare oo khibrad dheer u lahaa cutubka gaashaaman, isla markaana uu door muhiim ah ka soo qaatay howlgaladii militari ee gobolka waqooyiga Israel.
Magacyada saddexda askari ee kale ee la dilay lama shaacin, iyadoo baaritaan rasmi ah uu socdo si loo ogaado faahfaahinta iyo nooca hubka loo adeegsaday weerarka.
Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel, inkastoo aysan kala saarin dagaalyahanno iyo dad rayid ah.
Xiisadda u dhexeysa Israel iyo kooxda Xisbullah koonfurta Lubnaan ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsanayaan weerarro khasaare badan sababay.
GAROWE ONLINE