Itoobiya oo 95% ka dhamaatay dhisidda Biyo-xireenka Webiga Nile

Image
Warkaan ayaa ku soo beegmay sanadguuradii 13-aad ee ka soo wareegtay markii la dhagax dhigay mashruucan,

Addis Ababa (GO) - Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in heerka dhismaha biyo xireenka Nile uu gaaray 95%, waxaana warkan uu ku soo beegmay sanadguuradii 13-aad ee ka soo wareegtay markii la dhagax dhigay mashruucan, kaasoo khilaaf ka dhex abuuray Itoobiya iyo Masar & Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa qoraal kooban oo soo saartay ku sheegtay: “Sannadkan waxa uu ku beegan yahay sannad-guuradii 13aad ee ka soo wareegtay markii la dhagax dhigay mashruuca Biyo-xidheenka Nile, waxaana la dhamaystiray 95% (dhismaha biyo-xidheenka), riyadeena maanta waa rumooday”.

Dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa dhawr wareeg oo wada-xaajood ah yeeshay si loo xaliyo khilaafka ku saabsan mashruuca biyo-xidheenka Nile, kaas oo kii ugu dambeeyay uu ka dhacay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, intii u dhaxaysay 17-kii ilaa 19-kii December, 2023-ka.

Wareegyadan ayaan wax natiijo ah ka soo bixin mana la gaarin heshiis ay ku wada qanceen dhammaan dhinacyada, iyadoo Masar ay intaa ka dib bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka dhammaatay wada xaajoodkii biyo xireenka Nile, iyadoo Addis Ababa ay sii waday hawsha dhismaha iyo buuxinta biyo xireenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM