Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai
Dubai — Weerar lala xiriirinayo Iiraan ayaa lagu beegsaday markab shidaal oo laga leeyahay Kuwait xilli uu ku xirnaa dekedda Dubai, taasoo sababtay dab ka kacay markabka, sida ay sheegeen ilo rasmi ah.
Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah, waxaana la sheegay in weerarka lagu fuliyey diyaarado aan duuliye lahayn. Dabkii ka kacay markabka ayaa si degdeg ah loo damiyey, halka kooxaha gurmadka ay xakameeyeen xaaladda.
Hay’adda shidaalka Kuwait ayaa sheegtay in markabku uu waxyeello soo gaartay, isla markaana ay jirto cabsi la xiriirta suurtagalnimada daadasho shidaal. Si kastaba, maamulka Dubai ayaa caddeeyey in aan la diiwaan gelin wax saliid ah oo ku fatahay badda, sidoo kalena aysan jirin wax khasaare naf ah.
Dad ku sugan Dubai ayaa sheegay in la maqlayey qaraxyo xooggan oo socday saacado badan habeenkii, iyadoo sidoo kale la arkayey diyaaradaha milatariga oo hawada gaaf wareegaya. Arrintan ayaa muujinaysa heerka feejignaanta amni ee sii kordhaya.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah weerarro isdaba joog ah oo ka dhacaya Khaliijka tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan dabayaaqadii Febraayo. Maraakiib ganacsi iyo kuwa xamuulka qaada ayaa dhowaan noqday bartilmaameedyo ay ku dhacaan gantaallo iyo drones.
Dhacdo kale oo la xiriirta amniga badda ayaa ku lug leh markab xamuul oo Thai ah oo horey loogu dhuftay meel u dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz, halkaas oo saddex ka mid ah shaqaalihii saarnaa ay weli la la’yahay.
Wararka kale ee gobolka ayaa sheegaya in weerarro kala duwan ay saameeyeen dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Qatar iyo Baxrayn, kuwaas oo sheegay inay hawada ku qabteen gantaallo iyo drones. Sacuudiga ayaa sheegay inuu burburiyey tiro ka mid ah diyaaradahaas iyo gantaallo lala beegsaday caasimadda Riyadh iyo gobolka bariga.
Dhanka diblomaasiyadda, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa ku adkaystay in weerarradooda ay ku wajahan yihiin oo keliya ciidamada Mareykanka, inkasta oo dhacdooyinka qaar ay saameeyeen goobo rayid ah.
Xiisadda sii kordheysa ee Khaliijka ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan amniga maraakiibta iyo sahayda tamarta caalamka, gaar ahaan marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz oo ah halbowlaha dhoofinta shidaalka adduunka.
GAROWE ONLINE