Jair Bolsonaro: Madaxweynaha Brazil oo isbitaal la dhigay

Image

BRASILLIA, Brazil - Madaxweynaha dalka Brazil ayaa waxaa la dhigey isbitaal kadib 10 maalmood oo uu la il darnaa hingo aan kala joogsi lahayn, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Jair Bolsonaro, oo 66 jir ah, ayaa waxaa la dhigay xarun caafimaad oo ku taal magaaladda Brasilia goor hore oo Arbacadii ah wuxuuna "dareemayaa wanaag", sida laga soo xigtay xafiiskiisa.

Hase ahaatee, saacado ka dib, waxaa loo wareejiyay isbitaal ku yaala magaaladda Sao Paulo "si loo qiimeeyo haddii uu u baahan yahay qalliin deg deg ah si looga nadiifiyo xiirta mindhicirka.

Sawir la soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee Mr Bolsonaro ayaa muujiyey isaga oo jiifa sariir, indhahana ka xiran yihiin. Qoraalka ayaa lagu yiri: "Waan soo laabanayaa dhowaan, haddii Eebbe idmo. Brazil waa innaga!"

Bolsonaro ayaa mindi looga dhuftay caloosha intii lagu guda jiray ololihii madaxtinimada ee 2018, dhaawacaas wuxuu sababay waxyeelo dhanka mindhicirka ah iyo dhiig bax culus oo gudaha ah.

Dhowr qaliin ayaa lagu sameeyay isaga tan iyo waqtigaas, wallow lagu waramay in qaarkooda aysan la xiriirin weerarkaas aan wali fahfaahin laga bixin sababta keentay iyo cidda ka dambeysay.

Balse, isbuucyadii la soo dhaafay hogaamiyaha garabka midig ayaa wuxuu si weyn ugu muuqday inuu ku dhibtoonayo inuu hadlo, wuxuuna eeda dusha uga tuuray hingadda soo noqnoqotay.

Bolsonaro ayaa ka madax ka ah dal uu la degay Covid-19. Arbacadii, wasaaradda caafimaadka ayaa soo warisay 57,736 kiis oo cusub oo la xaqiijiyey oo ah fayraska iyo 1,556 qof oo cusub oo u dhintey.

Qudhiisa, Mr Bolsonaro wuxuu qaaday fayraska sanadkii hore, isagoo ku dhawaad ​​seddex isbuuc ku qaatay karantiil gudaha qasriga madaxtooyada. Kororka kiisaska oo maalin leh wuxuu ku muteystay cambaareyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo aag laga ilaaliyo amniga Ruushka ka sameynaya xuduudda Ukraine

Dhanka kale, Khamiistii, gobolka Kursk ayaa markale la weeraray. Sida uu sheegay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee gobolka.

  • Caalamka

    26-05-2025

  • 04:44AM

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM