Japan oo 600 milyan oo Yuuro u qoondaysay gargaarka dadka uu saameeyay dhulgariirka

Image
241 qof ayaa ku dhintay masiibadaas waxaana ku barakacay in ka badan 10,000 oo qof.

Tokyo (GO) - Ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa shaaca ka qaaday in Japan ay u qoondeyn doonto 613 milyan oo Yuuro oo dheeri ah si dib loogu dhiso goobihii uu burburiyay dhulgariirkii ku dhuftay bartamaha dalkaasi 1-dii Janaayo, taasoo ka dhigeysa wadarta lacagta loo qoondeeyay 1.6 bilyan oo Yuuro.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.5, ayaa waxaa xigay dhulgariir ka dambeeyay, waxaana uu burburiyay qaybo ka mid ah deegaanka Ishikawa ee ku yaala xeebta Badda Japan.

241 qof ayaa ku dhintay masiibadaas waxaana ku barakacay in ka badan 10,000 oo qof, xilli ay weli biyaha ka go’anyhiin meelaha qaar.

Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa Sabtidii ku dhawaaqay qoondeynta deeq lacageed oo cusub, xilli uu booqasho ku tagay deegaannadii uu dhulgariirku saameeyay, si uu ugu kuur galo xaaladda ka aloosan deegaanadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM