Japan oo 600 milyan oo Yuuro u qoondaysay gargaarka dadka uu saameeyay dhulgariirka

Image
241 qof ayaa ku dhintay masiibadaas waxaana ku barakacay in ka badan 10,000 oo qof.

Tokyo (GO) - Ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa shaaca ka qaaday in Japan ay u qoondeyn doonto 613 milyan oo Yuuro oo dheeri ah si dib loogu dhiso goobihii uu burburiyay dhulgariirkii ku dhuftay bartamaha dalkaasi 1-dii Janaayo, taasoo ka dhigeysa wadarta lacagta loo qoondeeyay 1.6 bilyan oo Yuuro.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.5, ayaa waxaa xigay dhulgariir ka dambeeyay, waxaana uu burburiyay qaybo ka mid ah deegaanka Ishikawa ee ku yaala xeebta Badda Japan.

241 qof ayaa ku dhintay masiibadaas waxaana ku barakacay in ka badan 10,000 oo qof, xilli ay weli biyaha ka go’anyhiin meelaha qaar.

Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa Sabtidii ku dhawaaqay qoondeynta deeq lacageed oo cusub, xilli uu booqasho ku tagay deegaannadii uu dhulgariirku saameeyay, si uu ugu kuur galo xaaladda ka aloosan deegaanadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM