Jenaraalo iyo saraakiil ciidan oo ku dhamaaday shil diyaaradeed

Image

CARACAS, Venezuela – Ugu yaraan todoba ruux ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed uu ka dhacay Waqooyi Galbeed ee dalka Venezuela.

Dadka ku dhintay dhacdadaan ayaa isugu jira; laba Jenaraalo, laba kabtan iyo saddex korneyl saddex xidigleyaal ahaa iyo askar kale.

Musiibadda ayaa laga soo wariyey duleedka magaaladda caasimadda ah ee Caracas, sidda ay xaqiijisay wasaaradda difaaca.

Diyaaradda oo ku dul-dhacday buur ku taalo tuuladda El Hatillo ayaa kusii jeeday magaaladda San Carlos ee Waqooyi Galbeed ee dalkaasi.

Madaxweyne Nicolas Maduro oo ka fal-celiyey shilkaan diyaaradeed ayaa tacsi u diray eheladda saraakiisha ciidan ee dhimatay.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xili wadankaasi ay ka jirto qalalaaso siyaasadeed oo mucaaradka ku doonayo in ay xilka uga ridaan madaxweyne Maduro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM