Jordan: Amiirka xabsi guriga la geliyey oo warqad laga saxiixay

Image

AMMAAN, Jordan – Amiirka Jordan, Hamzah ee xabsi guriga la geliyey ayaa saxiixay warqad uu ku balanqaaday inuu u hogaansamayo dhaqanka iyo nidaamka qoyska boqortooyada Hashemite ee xukunka haya, sidda ay sheegtay maxkamada boqortooyada oo war-saxaafadeed soo saartey.

"Waxaan nafteyda ak-dhigay gacanta boqorka," ayaa lagu yiri warqadda, sida laga soo xigtay maxkamadda boqortooyada Jordan oo soo baxdey Isniintii.

Warqada ayaa intaas sii raacisay: "Waxaan ahaan doonaa mid ku fara-adeega dastuurka Boqortooyada Haashimite ee qaaliga ah ee Urdun, marwalbana waxaan noqon doonaa mid caawimaad iyo taageero siiya boqorka iyo amiirkiisa dhaxalka leh".

Sidda laga soo xigtay maxkamadda boqortooyada, Amiir Hamzah, oo ahaa dhaxal sugaha, ayaa saxiixay warqada kadib markii uu la kulmay Amiir Xasan, boqorka adeerkiis, iyo amiirro kale maalintii Isniinta.

"Danaha dalkayga hooyo waa inay ka sarreeyaan tixgelin kasta. Dhammaanteen waa inaan garab istaagnaa boqorka dadaalkiisa ku aaddan ilaalinta Jordan iyo danaheeda qaran," ayaa lagu yiri warqadda.

Warqadda la saxiixay ayaa timid ka dib markii King Abdullah II uu ogolaaday inuu galo dhex dhexaadin si loo bogsiiyo khilaaf ka dhex jiray qoyska boqortooyada, sidaas waxaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay Madaxtooyadda Jordan.

Dawladda waxay ku eedeysay Amiir Hamzah inuu ku lug lahaa shirqool fidno ah oo "khalkhal galinaya amniga boqortooyada".

Eedeyntaas kadib waxaa la xirey Hamzah iyo ugu yaraan 16 qof oo kale, oo uu ku jiro Bassem Awadallah, oo horay u soo noqday wasiir ka tirsan golaha wasiirrada iyo hal mar madax ka ahaa maxkamadda boqortooyada. Khuburada waxay ka digeen in murankan uu saameyn karo gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ka digay in Caqliga Macmalka ah (AI) loo adeegsan karo hub siyaasadeed

Si loo yareeyo ku tiirsanaanta tiknoolojiyadda shisheeye, Midowga Yurub ayaa bilaabay qorshe lagu xoojinayo madaxbannaanida tiknoolojiyadda.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 07:56AM

Trump oo ansixiyay heshiis taariikhi ah oo Sacuudiga u oggolaanaya inuu yeesho barnaamij nukliyeer

Heshiiska cusub, ayaa la filayaa in loo gudbiyo Kongareeska Mareykanka si dib u eegis loogu sameeyo.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 11:00AM