Jordan: Tobanaan mas'uuliyiin oo loo xiray "isku day afgembi"
AMMAAN, Jordan - Amiirkii hore ee dhaxalka boqortooyada Jordan ayaa shaaca ka dhigay in xabsi guri la galiyay taasi oo qeyb ka ah wax loogu yeero howlgalka la dagaalanka mucaaradka.
Muuqaal uu BBC-da u gudbiyay qareenkiisa, Amiir Xamzah bin Hussein, oo ay walaalo isku aabo ah yihiin boqor Abdullah, wuxuu ku eedeynayaa hoggaamiyeyaasha dalka musuqmaasuq, karti darro iyo dhibaatayn.
Dhawaqiisa wuxuu yimid ka dib markii ay soo shaac-baxdey in la xiray ku dhowaad 20 qof oo isugu jira mas'uuliyiins are iyo xubno kamid ah qoyska boqortooyada oo lagu eedeeyay isku day afgembi.
Milatariga oo qoraal kooban kasoo saarey xaaladda waqti xaadirkan ka taagan waddankaas ayaa goor sii horeysay diiday in Amiir Xamzah uu ku jiro xabsi guri.
Balse, waxay hoosta ka xariiqeen in lagu amray inuu joojiyo ficillada loo adeegsan karo in lagu bartilmaameedsado "amniga iyo xasilloonida" boqortooyadda Jordan.
Tallaabadan ayaa sida muuqata timid ka dib booqasho uu amiirku ku tagay hoggaamiyeyaasha qabaa'ilka halkaas oo la sheegay inuu ku helay xoogaa taageero ah.
Amiir Xamzah wuxuu iska dogeeyay inuu sameeyay wax qalad ah wuxuuna sheegay inuusan qayb ka ahayn wax shirqool ah oo lagu beegsanayo dowladda uu madaxda ka yahay walaalkii.
Waa kuma Amiir Xamzah?
Waa wiilkii ugu weynaa ee marxuum boqor Hussein iyo xaaskiisa uu jeclaa boqorada Noor. Prince Hamzah wuxuu ka qalin jabiyay iskuulka Harrow School iyo Royal Military Academy, Sandhurst, wuxuuna wax ku bartay jaamacada Harvard ee Maraykanka. Wuxuu ka soo shaqeeyay ciidamada qalabka sida ee Jordan.
Waxaa loo caleemo saaray dhaxal-sugaha amiirka Jordan sanadkii 1999. Waxaa aad u jeclaa King Hussein, oo dhowr jeer isagoo fagaare ka hadlaya ku qeexay "farxadda indhaheyga".
Si kastaba ha noqotee, waxaa loo arkay inuu aad u da 'yar yahay isla markaana aan khibrad u lahayn in loo magacaabo bedelka waqtiga uu dhintay Boqor Xussein.
Taabadalkeed, waxaa saldanada la wareegay Boqor Cabdallaha haatan shaqeeya oo darajada amiirnimadda ka xayuubiyey Xamzah sanadka markii uu ahaa 2004-tii.
Talaabadaas waxaa loo arkayey in ay dharbaaxo ku tahay Boqoradda Noor, oo rajeyneysay in maalin un ay aragto wiilkeeda curadka ah oo boqor noqda.
Dhanka kale, quwadaha gobolka oo ay ku jiraan Masar iyo Sacuudi Carabiya oo bayaano kooban faafiyey ayaa ka dhawaajiyay inay taageersan yihiin Boqor Cabdalla.
Mareykanka oo xulufada la ah Urdun ololahiisa ka dhanka ah kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ayaa ku tilmaamay boqorka inuu yahay xulafo muhiim ah oo haysta taageeradooda buuxda.
GAROWE ONLINE