Kala bar dadka Gaza oo laga digay in ay u geeriyoodaan gaajo

Image
Tobankii qof sagaal kamid ah ayaa la sheegay in uu waqti-xaadirkan heli karaan cunto ku filan.

DOOXA, Qadar - Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa cod dheer wuxuu kaga digay in kala bar dadka reer Qaza ay gaajo u dhimanayaan, maadaama uu dagaalka ka socdo halkaasi.

Carl Skau, oo ah agaasime ku xigeenka barnaamijka cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in qayb yar oo ka mid ah sahayda loo baahan yahay ay awoodeen inay galaan marinka - ayna 10-kii qofba sagaal ka mid ah ma cuni karaan maalin kasta.

Xaaladaha cakiran ee Gaza oo ay hawan tahay go'doonka ay soo rogeen ciidamadda Yahuuda ayaa sababay in la keeno "ku dhawaad ​​wax aan macquul aheyn," sidda laga soo xigtay Mr Skau.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay tahay in ay sii wado duqeymaha cirka ah ee ay ku hayso Gaza, si meesha looga saaro Xamaas, isla markaana loo soo celiyo la haystayaasha Israa’iil.

Afhayeenka ciidamada Israel Lt Col Richard Hecht ayaa BBC-da u sheegay Sabtidii in "dhimasho kasta iyo xanuun soo gaara qof rayid ah ay xanuun badan tahay, laakiin ma hayno wax kale oo kale".

Dhanka kale, maamulka Joe Biden wuxuu adeegsaday sharci degdeg ah si uu uga gudbo Congress-ka oo uu u oggolaado in Israa’iil loo iibiyo ilaa 14,000 oo xabo oo rasaas taangiyo ah oo qiimahoodu ka badan yahay $106m.

Dhaqdhaqaaqa Gaza iyo ka bixista ayaa si weyn loo xaddiday tan iyo 7-dii Oktoobar kadib markii xubnaha Xamaas ay jabiyeen xayndaabkii Israa'iil ee sida weyn loo ilaalinayay - oo ay ku dileen 1,200 oo qof ayna qabsadeen 240 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM