Kenya: Dad ku dhaawacmay qarax Bas ka dhacay Nairobi

Image

21 December, 2015(GO)-Inta lahubo 15 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib Bas ku qarxay magalada Nairobi xarunta dalka Kenya, waxaana dadka waxyeeloobay u badanyihiin rakaab uu siday baabuurkaas.

Gaariga oo kamid ah kuwa ka dhex shaqeeya magalada ee loo yaqaano Matatu ayaa ku qarxay bartamaha caasumadda Kenya gaar ahaan halka loo yaqaano Umoja. Lama garanayo aalladda qaraxday waxay ahayd, balse dadka qaybtiis ayaa qaba inuu ka dhashay shidaal uu watay qof kamid ah rakaabka.

Kooxaha gargaarka ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo qaaday dadkii waxyeelladu soo gaartay iyagoo geeyay goobaha caafimaadka magalada Nairobi.

Taliyaha ciidanka Boliiska Kenya ayaa tilmaamay inaysan weli aqoonsan qaraxaasi balse wadaan baaritaano ku aaddan sida wax u dhaceen.

Qaraxa baskan ayaa yimi kadib aalad qaraxda oo shalay laga helay Kaniisad ku taalla dalka Kenya sida ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi.

Walxahaasi ayaa lagu sii diyaariyay goobta iyadoo lagaliyay miis hoostii, waxaana arkay mid kamid ah dadka cibaadaysiga Kaniisadda u tagay. Boliiska dalkaasi ayaa goobta yimi iyagoo burburiyay qaraxaas.

Dowladda Kenya ayaa la daalaa dhacaysa weeraro argagixiso uga imaanay kooxda Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeedu galeen dalka Somalia, balse qaraxa Kaniisadda lagu sii diyaariyay ilaa hadda cid sheegatay majirto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM