Kenya: Dad ku dhaawacmay qarax Bas ka dhacay Nairobi

Image

21 December, 2015(GO)-Inta lahubo 15 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib Bas ku qarxay magalada Nairobi xarunta dalka Kenya, waxaana dadka waxyeeloobay u badanyihiin rakaab uu siday baabuurkaas.

Gaariga oo kamid ah kuwa ka dhex shaqeeya magalada ee loo yaqaano Matatu ayaa ku qarxay bartamaha caasumadda Kenya gaar ahaan halka loo yaqaano Umoja. Lama garanayo aalladda qaraxday waxay ahayd, balse dadka qaybtiis ayaa qaba inuu ka dhashay shidaal uu watay qof kamid ah rakaabka.

Kooxaha gargaarka ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo qaaday dadkii waxyeelladu soo gaartay iyagoo geeyay goobaha caafimaadka magalada Nairobi.

Taliyaha ciidanka Boliiska Kenya ayaa tilmaamay inaysan weli aqoonsan qaraxaasi balse wadaan baaritaano ku aaddan sida wax u dhaceen.

Qaraxa baskan ayaa yimi kadib aalad qaraxda oo shalay laga helay Kaniisad ku taalla dalka Kenya sida ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi.

Walxahaasi ayaa lagu sii diyaariyay goobta iyadoo lagaliyay miis hoostii, waxaana arkay mid kamid ah dadka cibaadaysiga Kaniisadda u tagay. Boliiska dalkaasi ayaa goobta yimi iyagoo burburiyay qaraxaas.

Dowladda Kenya ayaa la daalaa dhacaysa weeraro argagixiso uga imaanay kooxda Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeedu galeen dalka Somalia, balse qaraxa Kaniisadda lagu sii diyaariyay ilaa hadda cid sheegatay majirto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 12:49PM

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM