Khan oo "ka walaacsan" xaalada dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image
Dhawaqan ayuu ka dhawaajiyey xilli uu ka hadlayey Islaam-naceybka kusoo batay wadamadda reer Galbeedka.

ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul wasaaraha waddanka Pakistan, Imran Khan, ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

Mr Khan oo bixiyey wareysi kaasoo lasii daayey Axadii todobaadkan ayaa daaha ka rogay in uu rajeynayo in wadamadan ay kasoo labtaan colaadaha kalkii dambe isku bedelay dhibaatooyin siyaasi ah.

Sida laga soo xigtey Khan, mushkiladaha ka jira dalalkan uu farta ku fiiqay waxay qeyb ka yihiin kuwa ka jira dunida Islaamka. Dhawaqan ayuu xusay xilli uu ka hadlayey Islaam-naceybka soo batay.

"Waxaad kaliya eegtaa xaalada Liibiya, waxaad imaaneysaa Siiriya, Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya. Waxaan ula jeedaa inay jirto dhibaato siyaasadeed oo culus oo ka jirta dunida Muslimka iyo dhibaatooyin," ayuu yiri.

Khan ayaa sheegay in aysan jirin dhiirigelin ku filan qaar ka mid ah madaxda adduunka, gaar ahaan reer galbeedka, "oo aan fahmin dhacdadan oo dhan ee la xiriirta waxyaabaha nacaybka ah ee ku jira bogagga, taas oo sidoo kale keenta Islaam nacayb".

"Laakiin dhibaatada xilligan jirta ayaa ah in aysan jirin dhiirigelin ku filan qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha adduunka, mana fahmi karaan dhacdadan oo dhan. Waxay u maleynayaan inay jiraan dad yaab leh oo ay jiraan caadooyin la yaab leh. Marka waxay u baahan tahay in la isu keeno. Waa inay jirtaa isfaham taasna waxaa dhiirrigelin kara madaxda adduunka," ayuu xusay.

Hadalka Khan ayaa kusoo aadaya iyadda oo todobaadkan ay ka dhaceen waddanka Canada dhacdooyin salka ku haya Islaam-naceyb kuwaas oo lagu laayey qoys mid kana lagu dhibaateeyay haweenay Soomaali ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM