Khan oo "ka walaacsan" xaalada dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image
Dhawaqan ayuu ka dhawaajiyey xilli uu ka hadlayey Islaam-naceybka kusoo batay wadamadda reer Galbeedka.

ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul wasaaraha waddanka Pakistan, Imran Khan, ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

Mr Khan oo bixiyey wareysi kaasoo lasii daayey Axadii todobaadkan ayaa daaha ka rogay in uu rajeynayo in wadamadan ay kasoo labtaan colaadaha kalkii dambe isku bedelay dhibaatooyin siyaasi ah.

Sida laga soo xigtey Khan, mushkiladaha ka jira dalalkan uu farta ku fiiqay waxay qeyb ka yihiin kuwa ka jira dunida Islaamka. Dhawaqan ayuu xusay xilli uu ka hadlayey Islaam-naceybka soo batay.

"Waxaad kaliya eegtaa xaalada Liibiya, waxaad imaaneysaa Siiriya, Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya. Waxaan ula jeedaa inay jirto dhibaato siyaasadeed oo culus oo ka jirta dunida Muslimka iyo dhibaatooyin," ayuu yiri.

Khan ayaa sheegay in aysan jirin dhiirigelin ku filan qaar ka mid ah madaxda adduunka, gaar ahaan reer galbeedka, "oo aan fahmin dhacdadan oo dhan ee la xiriirta waxyaabaha nacaybka ah ee ku jira bogagga, taas oo sidoo kale keenta Islaam nacayb".

"Laakiin dhibaatada xilligan jirta ayaa ah in aysan jirin dhiirigelin ku filan qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha adduunka, mana fahmi karaan dhacdadan oo dhan. Waxay u maleynayaan inay jiraan dad yaab leh oo ay jiraan caadooyin la yaab leh. Marka waxay u baahan tahay in la isu keeno. Waa inay jirtaa isfaham taasna waxaa dhiirrigelin kara madaxda adduunka," ayuu xusay.

Hadalka Khan ayaa kusoo aadaya iyadda oo todobaadkan ay ka dhaceen waddanka Canada dhacdooyin salka ku haya Islaam-naceyb kuwaas oo lagu laayey qoys mid kana lagu dhibaateeyay haweenay Soomaali ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM