Khasaaro ka dhashay qarax ruxay magaalo ku taala Sweden

Image
Image
Image
Booliska ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in laga yaabo in dhacdadan ay ka dhalatay walxo qarxa.

STOKHLAM, Sweden - Qarax ayaa gilgilay dhisme dabaq ah oo ku yaala magaalada Goteborg ee Iswiidhan Talaadada maanta ah. Dhaawacyda 20 qof ayaa la xaqiijiyey. Dab ayaa qabsadey dhowr qol oo kamid ah dhismaha.

Booliska ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in laga yaabo in qaraxa uu ka dhashay walxaha qarxa. Qaraxa ayaa dhacay wax yar ka hor 5-ta subaxnimo. Goteborg waa magaaladda labaad ee ugu weyn dalka Sweden.

Dabka ayaa ku fiday dhowr guri, shaqaalaha waaxda dab-damiska ayaana wali ku howlan daminta holaca subaxnimadii. Qaar kamid ah dhaawacyada ayaa xaaladooda aad looga dayrinayaa.

Afhayeen u hadlay booliiska Thomas Fuxborg ayaa xusay in sababta qaraxa aan weli la ogeyn, laakiin wuxuu u sheegay telefishinka TV4 ee Sweden in baarayaashu ay u malaynayaan in ay salka ku hayso fal-dambiyeed abaabulan.

Fuxborg oo aan si gaar ah fahfaahin uga bixin dhacdadan kuna gaabsadey in ay ka war-sugayaan natiijada baareyaasha ayaa hoosta ka xariiqay qof kasta oo degan dhismaha uu bartilmaameed noqon karo.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan rabshadaha u dhexeeya kooxaha dambiilayaasha ah ee abaabulan ee ka jira dalka Scandinavian-ka ah.

30-kii Juun, askari booliis ah ayaa lagu toogtay Goteborg. Tan iyo markaas, waxaa la xiray eedeysane 17 jir ah. Horaantii sanadkaan, golaha qaranka Sweden ee ka hortaga dambiyada ayaa sheegay in Sweden ay tahay wadanka kaliya ee reer Yurub ah ee toogashada dilalka ah ay si aad ah kor ugu kacday tan iyo sanadkii 2000, sababtuna waa burcad rabshado wadata.

Sannadkii 2019, qarax xooggan ayaa ka dhacay laba dhisme oo ku yaala magaalada Linkoping ee koonfurta Sweden, halkaas oo ay ku dhaawacmeen 25 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 guri.

Taliska Booliska oo macluumaad aad u kooban ka bixiyey dhacdadaas ayaa muujiyey in ay rumaysan yihiin in ay ka dhalatay iska hor-imaad dhexmara kooxo burcad ah kaasoo ka dambeeyay qaraxa. Ma jirto cid loo qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Dib Ugu Celiyey Xuutiyiinta Yemen Liiska Argagixisada

Trump wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee Biden oo ka qaaday…

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 01:20PM

Sacuudiga oo $600 Bilyan oo maalgashi ah ku sameynaya Maraykanka

Safarkii uu Trump ku tagay Sacuudi Carabiya ee 2017 ayaa burburiyay caado hore oo ahaa in madaxweynayaasha Maraykanka.

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 11:54AM