Kim oo ciqaabay saraakiil lala xiriiriyey dayacaad halis keentay

Image

PYONGYANG, North Korea -  Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong Un, ayaa ciqaabay saraakiisha ugu saraysa xisbiga talada haysa kadib markii uu ku guuldareystay jawaab celinta mashaakilka COVID-19 ee horseeday "dhacdo naxdin leh" oo aan la cayimin isla markaana badqabka dalka iyo dadka halis galisay, sida ay Arbacada maanta ah warisay warbaahinta dowlada.

Warbixinta wakaaladda wararka ee dowladda ee KCNA laguma faah-faahin waxa dhacay, ama sida ay dadka halista u gelisay iyo qaabka loo ciqaabay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Yonhap ee laga leeyahay South Korea.

"Iyadoo la iska indhatirayo go'aanada muhiimka ah ee xisbiga ee ka hortaga fayruska looguna diyaar garoobayo dhibaato caafimaad oo caalami ah, saraakiisha mas'uulka ka ah waxay sababeen dhacdo naxdin leh oo dhibaato weyn ku ah amniga qaranka iyo dadka," ayay warbixintu kasoo xigatay Kim.

"Arrinta ugu weyn ee caqabad ku ah fulinta howlaha muhiimka ah waa karti la'aan iyo mas'uuliyad darro saraakiisha sare," ayuu raaciyay. "Dagaallada xisbiga oo dhan waa in lagu qaadaa cilladaha fekerka iyo noocyada sababaha xun ee saraakiisha sare".

Sida ay daabacdey wakaaladda wararka Kuuriyadda Waqooyi, Kim ayaa xubnaha Xisbiga Shaqaalaha wuxuu isugu yeeray kulan aan caadi ahayn si wax looga qabto qaar ka mid ah madaxda fulinta ee sameeyay dayacaadda dhanka waajibaadka ah, oo ay ka mid tahay ku guuldaraysiga fulinta talaabooyinka mudada dheer ee muhiimka ah si loola dagaallamo aafada halista ah.

Kuuriyada Woqooyi si rasmi ah uma aysan xaqiijin wax kiis ah oo ku saabsan fayraska loo yaqaan 'Coronavirus'. Sheegashadaas waxaa su'aalo waaweyn geliyey saraakiisha caafimaadka Kuuriyadda Koonfureed iyo Mareykanka. Kulanka uu iclaamiyey Kim wuxuu imaanayaa 11 maalmood kadib markii uu qabsoomay shir aad loo siyaasadeeyay oo xubnaha xisbiga kasoo muuqdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM