Kooxda fulisay weerarkii Moscow oo la xaqiijiyay inay yihiin ajaanib

Image
Putin ayaa wacad ku maray in uu la xisaabtami doono dadkii ku lugta lahaa weerarka.

Moscow (GO) - Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ruushka ayaa xaqiijisay in dadka looga shakisan yahay inay fuliyeen weerarkii lagu qaaday hoolka bandhig faneedka magaalada Moscow ay yihiin dad ajnabi ah, iyadoo aan la sheegin dalalka ay u dhasheen.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wacad ku maray in uu la xisaabtami doono dhammaan dadkii ku lugta lahaa qorsheynta weerarka. Waxa uu intaa ku daray:

“Afartii nin ee rasaasta ku furay dadkana laayay waa la qabtay, waxayna ku sii jeedeen dalka Ukraine, Cid kasta oo ka dambaysay falkan argagixisnimo waan aqoonsan doonnaa, waana kula xisaabtamaynaa. "

Ururka "Daacish" ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka, tirada dadka ku dhintay ayaana gaartay 133 qof, halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM