Ku biirida Soomaaliya ee golaha ammaanka UN-ka oo cod loo qaadayo

Image
Soomaaliya waxaa ku biiraysaa afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da bisha June ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Guushan taariikhiga ah oo si weyn isha loogu haayo ayaa la filayaa in si rasmi ah kaddib codbixin uu u qaaday golaha guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa New York u jooga codbixinta.

Sidda uu xeerinayo xeerka Qaramada Midoobay ee kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya ayaa kursiga ku fadhiisan doonta labo sano oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025.

Soomaaliya waxaa ku biiraysaa afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama. Dhammaantood waxay hore uga soo shaqeeyeen Golaha ay ku jirto Soomaaliya horaantii 1970-meeyadii.

Sikastaba ha ahaatee, dalalkan ku biiraya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay badali doonan wadamadda lagu kala magacaabo Mozambique, Switzerland, Malta, Japan, iyo Ecuador.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM