Ku dhawaad 200 oo falastiini ah ayaa naftoodii ku waayay duqeyn ay fulisay Israa’iil

Image

QASSA - Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday maanta in 198 qof ay ku dhinteen 1,610 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israel ee ka geysanaysa marinka Qassa.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerar ba’an oo ka dhan ah Qassa, isagoo ku tilmaamay saacadaha soo socda kuwoo aad u adag, kaddib weerarka ay qaadeen Xamaas subaxnimadii maanta.

Waxa uu intaa ku daray: "Diyaarad dagaal iyo diyaarado kale ayaa saacadihii la soo dhaafay weeraray 17 xarumo ciidan oo ay leeyihiin Xamaas”

Ciidamada Israa’iil ayaa sdioo kale ku dhawaaqay in dagaal uu ka dhacay isgoyska "Erez" ee u dhexeeya Israa’iil & marinka Qassa.

Dhanka kale, warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay in diyaaradaha Israa’iil ay dhowr duullaan ku qaadeen bariga Rafah, ee koonfurta marinka Qassa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM