Kumuu ahaa 'aabihii nukliyeerka' Pakistan ee geeriyooday?
ISLAMABAD, Pakistan - Saynisyahankii nukliyeerka ee Pakistan, Dr Abdul Qadeer Khan, ayaa saaka arroortii hore geeriyooday, isaga oo 85 sano jir.
Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan Pervez Khattak ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyey warka geerida saynisyahanka isla markaana geeridiisa ku tilmaamay inay murugo weyn u tahay Pakistan.
Wuxuu muddo ku noolaa Yurub
Dr Abdul Qadeer Khan markii uu kasoo tegay Pakistan wuxuu aaday dhinaca waddamada Yurub halkaas uu ka bilaabay waxbarashada.
Wuxuu ku biiray jaamacadda teknooloojiyadda ee Berlin dalka Jarmalka, labo sana ayuu jaamacadda ka dhigtay culuumta macdanta kadib wuxuu u gudbay dalka Holland halkaas uu ka sameeyay waxbarashadisii shahaadada labaad ee jaamacadda halka shahaadada PHD-ga uu ka qaatay jaamacad ku taalla Belgium.
Markii uu dhameeyay waxbarashada, wuxuu isku dayay in uu ku laabto Pakistan si shaqo halkaas uu uga helo, wuxuu la shaqeeyay ha'yadda qaabilsaneyd cilmi baarista nukliyeerka.
"Tacliintiisii markii uu soo dhameystay dhowr jeer ayuu isku dayay in uu Pakistan aado oo uu shaqo ka raadsado, dhammaan meelihii uu araajida u qortay wey usoo jawaabi waayeen kadib wuxuu shaqo ka helay hay'ad la yiraahdo FDO oo cilmi baaris ah, shaqadii waxay u horseeday in uu xoogga saaro cilmi baaris badan oo ku saabsan nukliyeerka iyo seyniska nukliyeerka" ayuu Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faalooda arrimaha Carabta iyo Caalamka Islaamka.
Lix maalmood ayuu Nukliyeer ku sameeyay
Wuxuu ahaa seynisyahankii u horseeday in Pakistan ay hagaajisato warshaddii ugu horreysay ee nukliyeerka ee ku taalla Kahuta oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Islamabad.
Sanadkii 1998 Pakistan waxay markii ugu horreysay tijaabisay hubka nukliyeerka.
Dr Abdul Qadeer Khan waxaa lagu magacaabi jiray 'Aabihii nukliyeerka', wuxuu muddo lix maalmood ah kusoo koobay hagaajinta hubka nukliyeerka Pakistan, sida uu sheegayo Axmed Tiir.
"Wuxuu sameeyay wax aanan la sameyn karin, muddo shan sana ama lix sano ayuu ku sameeyay taas oo dowladaha horumaray ku qaadan karta 20 sana ama 30 sana ayuu muddo lix sana ah ku sameeyay ..muddo lix sano ah ayuu arrintaas oo idil kusoo koobay sidaa ayaa loogu bixiyay 'Aabihii nukliyeerka Pakistan'"
Wuxuu intaa ku daray in nukliyeerkii uu ninkan u sameeyay Pakitsan ay horseeday in meesha uu ka baxo walaacii Pakistan uga imaanayay dhinaca Hindiya ee ku saabsanaa in weerar ay ku soo qaado.
Eedeymaha loo jeediyay
Inkasta oo dalkiisa looga yaqaanay halyeey oo uu ka caawiyay in uu yeesho nukliyeerka haddana waxaa lagu eedeeyay sirta hubka nukliyeerka uu u gudbiyay waddamo ay kamid yihiin Iran iyo Kuuriyada Waqooyi.
Abdul Qadeer Khan, wuxuu udub dhexaad u ahaa fadeexaddii nukliyeerka adduunka ee sannadkii 2004.
Waxay arrintani ka careysiisay dalalka Reer Galbeedka oo ku tilmaamay, "dusintii ugu weyneyd abid ee hubka nukliyeerka"
Paksitan wuxuu ka ahaa sida astaan qaran oo ka qeybqaadanaya xoojinta amniga qaranka.
"Wuxuu inaga caawiyay sameynta nukliyeer dalka badbaadin kara, dowladda ma hilmaami doonto shaqadiisa" ayuu yiri madaxweynaha Pakistan, Arif Alvi.
Balse markii dambe wuu ka laabtay. Sannadkii 2008, wuxuu Dr Khan wareysi uu siiyay wargeyska Britain ka soo baxa ee The Guardian ku sheegay in cadaadis uu uga imaanayay Madaxweyne Pervez Musharraf, taasina ay tahay sababta uu u codsaday inuu iibiyo.
Dr Khan ayaa sheegay in arrintaas uusan ka qiran maskaxdiisa, balse uu cadaadis saarnaa. Wareysiga, ayuu ku sheegay inuu sidoo kale diiday inuu u hoggaansamo baaritaanka Hay'adda Quwadda Atoomikada Adduunka.
Xabsi guri ayaa la geliyay
Waxaa la xiray sanadkii 2004 kadib markii lagu eedeeyay in si sharci darro uu teknooloojiyadda nukliyeerka uu uga iibiyay waddamo ay kamid yihiin Iran, Libya iyo Kuuriyada Waqooyi.
Kadib hadal uu ka sheegay teleefishinka Dr Khan ayaa raallin gelin ka bixiyay tallaabadaas isla markaana ka qoomameeyay.
Madaxweynihii Pakistan Pervez Musharraf, ayaa cafis u fidiyay balse waxaa sanadkii 2009 la geliyay xabsi guri, wuxuu ahaa nin si weyn loola socday dhaqdhaqaaqiisa.
Magaalo dhacdo Hindiya ayuu ku dhashay
Dr Abdul Qadeer Khan wuxuu ku dhashay Bhopal, intii aysan Hindiya kala qeybsamin. Dr. Khan ayaa Pakistan la yimid dhammaan qoyskiisa, kaddib kala go'ii Hindiya.
Wuxuu dugsiga sare ka dhammeeyay magaalada Bhopal, isaga oo nolol wanaagsan raadinayo ayuu u wareegay dhinaca Pakistan sanadkii 1952.
Feyraska Corona ayuu u dhintay
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Pakistan (AAP), Dr Khan ayaa 26-kii August la geeyay Research Laboratories Hospital kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Covid-19.
Kaddib waxaa la geeyay isbitaalka ciidamada oo ku yaalla Rawalpindi, halkaas oo markii ay xaaladdiisa ka sii dartay lagu xiray qalabka qofka Oksojiinta ka caawiya.
Markii Dr Khan la geeyay isbitaalka, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn Pakistan, Shahbaz Sharif ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka walaac kaga muujiyay xaaladdiisa.
Qoraalkiisa, ayuu Sharif ku yiri, "Warka Fakhr-e-Pakistan Dr Abdul Qadeer Khan oo lagu xiray qalabka hawada Oksojiinka waa mid aad murugo u leh. Waxaan bulshada ka codsanayaa inay u duceeyaan Dr Khan."
BBC