Kumuu ahaa seyga boqoradda Ingiriiska ee geeriyoodey?

Image

LONDON, UK - Amiir Philip, oo ahaa seyga boqoradda Elizabeth labaad ee boqortooyadda Britain, ayaa Jimcada maanta ah wuxuu ku dhintey da'da 99-sano jir, sida uu sheegay Buckingham Palace.

Qasriga oo bayaan soo saarey abaarey duhurnimadii waqtiga UK ayaa yiri: "Korkiisa ah aahaatee sharafta boqornimada wuxuu si nabadgelyo leh ugu dhintay saaka aroortii Qasriga Windsor."

Duke of Edinburgh, oo ugu waqtiga dheeraa taariikhda Ingriiska ahaa seyga boqoradda, ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay Qasriga Windsor 16-kii Maarso kadib bil markii uu isbitaal kujiray.

Boris Johnson, ra'iisul wasaaraha Ingiriiska oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa dhankiisa wuxuu yiri "wuxuu dhiiri galiyay nolosha dhalinyarada da'yarta ah".

Qoraalka qasriga ayaa la raaciyey: "Waa murugo qoto dheer in korkeeda ha ahaatee sharafta boqornimadda ay shaaciso geerida ninkeeda ay jeceshahay".

Kumuu ahaa Amiir Philip?

"Qoyska boqortooyadda waxay kula mideysan yihiin dhamaan dadka aduunka tacsida, baroor-diiqda iyo murugada geerida," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Calanka boqortooyadda Ingiriiska ee yaala Buckingham Palace oo ah Qasriga Boqortooyadda ayaa, sidda BBC ay warisay, hoos loo dhigay waxyar kadib markii lagu dhawaaqay geerida Amiir Philip.

Markii uu dhammeeyay in ka badan 22,000 oo kali kali ah, Prince Philip wuxuu ka fadhiistay nolosha bulshada bishii Ogosto 2017, in kasta oo intaas ka dib uu mararka qaarkood ka soo muuqan jiray hawlgallada rasmiga ah.

Markii ugu dambeysay ee uu soo muuqdo wuxuu yimid - bishii Luulyo ee la soo dhaafay xaflad milatari oo ka dhacday Windsor Castle, oo ah qasriga boqortooyada ee galbeedka London halkaas oo isaga iyo boqorada ay degenaayeen intii lagu jiray bandowga COVID-19.

Amiir Philip ayaa guursaday boqoradda taariikhdu marka ay ahayd 1947. Waxyar kadib aqal-galka, Philip wuxuu kusoo noqday shaqadii ciidanka badda, isagoo qaatay darajada laba xidigle taliye ahaa.

Lammaanaha waxay iska dhaleen laba carruur ah ka hor intaanay Elizabeth ku fadhiisan kursiga boqoradda. Amiir Philip waxaa horey loo oran-jiray Philip Schleswig-Holstein-Sonderburg-Glucksburg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM