Kuuriyada Waqooyi oo walaaca ku kordhisay quwadaha dunida
PYONGYANG, Kuuriyada Waqooyi - Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay shaaca ka dhigtey in Khamiistii ay tijaabisay gantaal cusub oo lidka diyaaradaha ah, kaasoo ahaa tijaabadii afaraad muddo bil gudaheed ah.
Tijaabadan ugu dambeysay ayaa imaanaysa maalmo kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay ridday gantaal cusub oo ah nooca loo yaqaan hypersonic kaas oo la rumeysan yahay inuu leeyahay awood nukliyeer.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Anthony Blinken ayaa sheegay in tijaabooyinka “ay abuurayaan rajooyin badan oo xasilooni darro iyo amni darro ah”.
Pyongyang ayaa ku adkeysatay in horumaradan ay u sameyneyso is-difaac, iyadoo ku eedeysay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay yihiin “laba-wajiileyaal”.
Tijaabadan ayaa timid maalin kadib markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sheegay inuu doonayo inuu soo celiyo khadka isgaarsiinta ee muhiimka ah.
Kuuriyada Waqooyi ayaa in ka badan sanad ku jirtay go’doon. Waxay gooysay inta badan ganacsigii ay la lahayd dalka ugu dhow ee Shiinaha Covid19 awgii, dhaqaalaheedana waxaa loo malaynayaa inuu ku jiro xaalad aad u daran iyadoo cunno yari ay tahay walaac dhab ah.
Bishii Maarso, waddanku wuxuu ka horyimid cunaqabateyntii isaga oo tijaabiyay gantaallada ballistic -ga, taasoo dhalisay canaan xooggan oo kaga timid Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.
Bishii lasoo dhaafay wakaaladda Atomikada ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa waxay sheegtay in Kuuriyada Woqooyi ay u muuqato inay dib u bilawday bacraminta maadooyinka laga sameeyo Nukliyeer-ka.
GAROWE ONLINE