Kuuriyada Waqooyi oo walaaca ku kordhisay quwadaha dunida

Image
Xukuumadda Pyongyang ayaa ku adkeysatay in horumaradan ay u sameyneyso is-difaac.

PYONGYANG, Kuuriyada Waqooyi - Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay shaaca ka dhigtey in Khamiistii ay tijaabisay gantaal cusub oo lidka diyaaradaha ah, kaasoo ahaa tijaabadii afaraad muddo bil gudaheed ah.

Tijaabadan ugu dambeysay ayaa imaanaysa maalmo kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay ridday gantaal cusub oo ah nooca loo yaqaan hypersonic kaas oo la rumeysan yahay inuu leeyahay awood nukliyeer.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Anthony Blinken ayaa sheegay in tijaabooyinka “ay abuurayaan rajooyin badan oo xasilooni darro iyo amni darro ah”.

Pyongyang ayaa ku adkeysatay in horumaradan ay u sameyneyso is-difaac, iyadoo ku eedeysay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay yihiin “laba-wajiileyaal”.

Tijaabadan ayaa timid maalin kadib markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sheegay inuu doonayo inuu soo celiyo khadka isgaarsiinta ee muhiimka ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa in ka badan sanad ku jirtay go’doon. Waxay gooysay inta badan ganacsigii ay la lahayd dalka ugu dhow ee Shiinaha Covid19 awgii, dhaqaalaheedana waxaa loo malaynayaa inuu ku jiro xaalad aad u daran iyadoo cunno yari ay tahay walaac dhab ah.

Bishii Maarso, waddanku wuxuu ka horyimid cunaqabateyntii isaga oo tijaabiyay gantaallada ballistic -ga, taasoo dhalisay canaan xooggan oo kaga timid Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Bishii lasoo dhaafay wakaaladda Atomikada ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa waxay sheegtay in Kuuriyada Woqooyi ay u muuqato inay dib u bilawday bacraminta maadooyinka laga sameeyo Nukliyeer-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM