Kuuriyada Woqooyi oo Cuna-qabateyn Cusub la Saaray

Image

NEW YORK, USA- Golaha ammaanka ee Q.M., ayaa meel mariyay Arbacadii shalay cuna qabateyn adag oo cusub taas oo la saarayo Kuuriyada Waqooyi, kadib tijaabinteedii gantaaallada riddada dheer iyo Nukliyer.

Danjiraha Mareykanka ee Q.M. Samantha Power, ayaa golaha ammaanka ee Q.M. u sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay tahay dalka kaliya ee tijaabiyay hub Nukliyer ah qarnigan 21-aad.

Waxay ku eedeysay maamulkaasi inuu diiradda saarto hubkiisa Nukliyerka, iyo gantaalladeeda riddada dheer, halkii uu wax ka qaban lahaa oo ka fakari lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka dalkaasi ay qabaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa soo dhaweeyay tallaabada cusub ee cunaqabateynta Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweye Barack Obama, ayaa sheegay in bulshada caalamka iyagoo ku hadlaya hal cod ay fariiin u direen Pyongyang, waxana uu ugu yeerey maamulkaasi in uu joojiyo barnaamijyada halista ah oo ay waddo wanaagsan u dooraan dadkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM