Lubnaan oo mowqif adag ka qaadatay duqeymaha cirka ah ee Mareykanka ka wado Ciraaq & Suuriya

Image
Lubnaan ayaa ku baaqday ixtiraamka amniga iyo madax-bannaanida dhammaan waddamada.

Beirut (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Lubnaan ayaa muujisay sida ay uga walaacsan tahay duqeymaha uu Maraykanku ka gaysanayo Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in la ixtiraamo ammaanka &madax-bannaanida dhammaan dalalka.

Wasaaraddu waxay bayaankeeda ku sheegtay: “Waxaan muujineynaa walaaca aan ka qabno duqeynta Suuriya iyo Ciraaq loo geystay, iyo sida aan uga xunnahay tirada dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhalatay”.

Waxay sidoo kale ku adkaysatay mowqifkeedu ahaa in hal dhinac looga wada soo horjeesto weerarada ka dhanka waddan kasta oo Carbeed, waxaana horey u muujinay mowqifkaas markii lagu xad-gudbay madax-bannaanida iyo ammaanka Jordan”

Wasaaraddu waxay ku baaqday xakamaynta, ixtiraamka amniga, madax-bannaanida iyo badbaadada dhammaan waddamada, waxaana bayaanka lagu sheegay in Lubnaan ay horay uga degtay khatarta dagaalka iyo khilaafka sii kordhaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM