Ma magaalo dhulka hoostiisa ku taala ayaa laga helay Turkiga?

Image

ANKARA, Turkey – Howlwadeeno ayaa gobolka bariga Turkiga ku yaalla ee Kayseri ka helay god hoos ugu qodan 20 mitir.

Mas'uuliyiinta ayaa rumeysan in godkaan uu horseedi karo in ay helaan magaalo qadiimi ah oo dhulka hoostiisa ku taalla.

Godka ayaa laga helay degmadda Tomarza, iyadda oo ay sii socon doonto shaqadda qoditaanka illaa iyo hadafka laga gaarayo.

Balac ahaan godka oo dhan yahay hal mitir ayaa muuqaal ahaantiisu waxa uu yahay mid afar geesood ahaan u qodon.

Booliska oo goobta la geeyay ayaa gebi ahaanba xayiray isu socodka, xili shacabka la faray in aysan tegi karin halkaasi.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii magaalo dhulka hootiisa ku taala laga helay isla gobolkaan, taasi oo wax naadir ah.

Magaalooyinka ku yaala dhulka hoostiisa ayaa waxaa sameeya dadkii hore, kuwaasi oo gabaad kaga dhiganayey cadowga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM