Ma Taqaan Sababta Trump Uga Degay Diyaaraddii Qatar Siisay, Una Raacay Diyaaradii Hore?

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah u beddelay diyaaraddii cusubeyd ee Boeing 747-8 ee dowladda Qatar ugu deeqday Mareykanka, isaga oo safarkiisii ka soo laabashada shirkii NATO ee Turkiga qayb ka mid ah dib u soo raacay diyaaraddii hore ee Air Force One.

Trump ayaa magaalada Ankara kaga duulay diyaaraddii hore ee madaxtooyada Mareykanka, kaddibna ku degay saldhigga ciidamada Mareykanka ee RAF Mildenhall ee dalka Britain, halkaas oo uu mar kale uga wareegay diyaaradda cusub ee Qatar laga helay, kuna sii jeeday Washington.

Maxaa Sababay Isbeddelka Diyaaradda?

Trump ayaa si rasmi ah u sheegay inuu doonayay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Britain ay fursad u helaan inay arkaan diyaaradda cusub. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu diyaaraddii hore u raacayo “xusuustii waayihii hore.”

Hase yeeshee, warar ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in hay’adda ilaalinta madaxweynaha ee Secret Service ay ku talisay in Trump uu Turkiga kaga baxo diyaaraddii hore sababo amni awgood, xilli ay sii kordhayeen xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan. 

Diyaaradda hore ee Air Force One waxaa si gaar ah loogu dhisay inay noqoto xarun talis oo hawada ku jirta, waxaana ku rakiban qalab casri ah oo lagu ogaado gantaallada, laguna marin-habaabiyo hubka lagu soo rido diyaaradda. Waxa kale oo ay leedahay isgaarsiin amni oo u saamaxaysa madaxweynaha inuu ciidamada Mareykanka amarro siiyo xitaa marka ay xaalad dagaal jirto.

Diyaaradda Qatar laga helay, inkasta oo dib-u-habayn ballaaran lagu sameeyay, haddana waxaa la sheegay inaysan weli lahayn dhammaan nidaamyada difaaca, isgaarsiinta iyo awoodaha khaaska ah ee ku rakiban diyaaradaha hore ee Air Force One. Sawirro laga qaaday diyaaradda cusub ayaa sidoo kale muujiyay inaysan lahayn qaar ka mid ah qalabka lagu ogaado gantaallada iyo hababka looga hortago weerarrada. 

Xiisadda Iiraan

Go’aanka diyaaradda lagu beddelay ayaa yimid xilli Iiraan ay xuduud la leedahay Turkiga, isla markaana ay sare u kacday khatarta weerarro ama isku dayo lagu bartilmaameedsanayo madaxda sare ee Mareykanka.

Trump laftiisa ayaa qiray inuu ka mid yahay dadka ugu sarreeya ee ay Iiraan bartilmaameed ka dhigtey, balse wuxuu hoos u dhigay wararka sheegaya in sababta diyaaradda loo beddelay ay ahayd cabsi amni.

Dowladda Mareykanka ayaa ku adkaysatay in diyaaradda cusub ay ammaan tahay, iyadoo Aqalka Cad uu beeniyay wararka sheegaya in diyaaradda Qatar laga helay aysan ku habboonayn safarrada madaxweynaha.

Maxay Qatar U Siisay Mareykanka?

Qatar ayaa Mareykanka siisay Boeing 747-8 oo lagu qiyaasay boqollaal milyan oo dollar. Diyaaradda waxaa dib-u-habayn ku sameeyay shirkadda difaaca ee L3Harris Technologies, si loogu adeegsado safarrada madaxweynaha inta laga sugayo diyaaradaha cusub ee ay Boeing u samaynayso dowladda Mareykanka. 

Diyaaradaha rasmiga ah ee cusub ee Air Force One ayaa dib-u-dhac weyn ku yimid, waxaana hadda la filayaa in la keeno ugu horrayn sannadka 2028.

Inkasta oo diyaaradda Qatar laga helay ay tahay mid casri ah oo aad u raaxo badan, haddana khubarada amniga ayaa sheegaya in quruxda iyo raaxadu aysan beddeli karin nidaamyada difaaca ee looga baahan yahay diyaaradda qaadaysa madaxweynaha Mareykanka.

Sidaas darteed, sababta ugu weyn ee Trump Turkiga uga raacay diyaaraddii hore waxay u muuqataa inay ahayd taxaddar amni, inkasta oo Trump uu sheegay in go’aanku ahaa mid lagu tusayay diyaaradda cusub ciidamada Mareykanka ee Britain.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM