Maalinta qowmiyadaha dalka Ethiopia oo lagu xusey Hargeysa

Image

HARGEYSA Dec 9,2015- Magaalada Hargeysa waxaa maanta si weyn looga xusay xuska qowmiyadaha Ethiopia oo sanad walba la qabto. Xaflad oo lagu qabtay Hotel Maansoor ayaa waxa ka soo qayb galay madax nadan oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, wasiiro iyo madax sare oo ka timid dhanka qaybta ismaamulka Somalida Ethiopia iyo safaarada ay Ethiopia ku leedahay magaalada Hargeysa 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo hadal kooban ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay inuu hambalyo u dirayo dhamaan shucuubta Ethiopia oo uu ku sheegay in yihiin dad is jecel islamarkaana ku dadaalay sidii ay u horumarin lahaayeen dhamaan dhaqankooda 

Wasiirka ganacsiga ee qaybta Ismaamulka Somalida Ethiopia Ismaaciil Cali ayaa isna sheegay in sanad walba waqtigan oo kale la xuso maalinta qowmiyadaha Ethiopia isagoo yiri hambalyo dhamaan shucuubta ku nool Somaliland.

Xafladaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agasimay ayaa waxa lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaro ka turjumaaya qiimaha ay leedahay maalintaan.

Somaliland ayaa waxaa ku nool dad badan oo u dhashey qowmiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia madaama xusuud dhow la leeyihiin kuwasoo ka shaqeysta gancsiyada kala duwan ee ka jira imagaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM

Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 12:49PM