Maamulka Biden oo baaraya suurtagalnimada dambiyo dagaal oo ay Israel ka geysatay Qasa

Image
Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa muddo bilo ah wada qiimeyn ku saabsan xadgudubyada Israa’iil.

Qasa (GO) - Warar ay daabaceen warbaahinta Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in maamulka madaxweyne Joe Biden uu baarayo suurtagalnimada dambiyo dagaal oo ay Israel geysatay intii lagu jiray dagaalkii ay ka waday Marinka Qasa tan iyo todobadii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Shabakadda Huffington Post ayaa sheegtay in saraakiisha Mareykanka ay muddo bilo ah wadeen qiimeyn ku saabsan xadgudubyada suurtagalka ah ee Israa’iil ee sharciga caalamiga ah.

Maraynkanka ayaa marwalba gacan ka geysaneyay wiiqida kiiska xasuuqa ee ay Koonfur Afrika uga gudbisay Israa’iil Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda iyo dadaallada kale ee loogu talagalay in lagu qiimeeyo hawlgalka milatari ee Israel. .

Si kastaba ha ahaatee, website-ka Huffington Post ayaa soo xigtay saddex ilo xaqiijinaya in baaritaanno gudaha ah ay wadaan maamulka Mareykanka si loo qiimeeyo xadgudubyada suurtagalka ah ee sharciga caalamiga ah ee Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM