Macalimiin mushahar soo qaadasho u socotay oo ku le'day doon degtay

Image

INANGO, Congo – Mas'uuliyiinta galbeedka Congo ayaa sheegaya in 30 ruux ay ku dhimatay in ka badan 200 kale la'yahay ka gedaal markii ay dooni kula rogmatay haro.

Simon Mboo Wemba, duqa Inongo, ayaa u xaqiijiyey AP in dadka ugu badan ee la socday doonta ku degtay harada Lake Mai-Ndombe ay macalimiin ahaayeen.

Duqa magaaladaasi ayaa tibaaxay in barreyaasha ay u socdaan in ay soo qaataan mushaharkooda maadaama wadooyinka gobolka ay burbursan yihiin.

Illaa iyo haatan lama xaqiijin tirada dhabta ah ee la socotay doontaasi, taasi oo safartay iyada oo cimilada ay xun-tahay, sidda laga soo xigtay madaxda gobolka.

Balse saraakiisha ayaa waxay qiyaasayaan in boqolaal ay saarneyd doonta isla markaana ay kaliya badbaadeen in ka badan 80 oo ku socdaaleysay doontaasi.

Doomaha laga adeegsado wadanka Congo ayaa caadiyan rakaabka waxay yihiin kuwa aad loogu badiyo, taasi oo laamaha dowladda ay sheegeen in ay wax ka qaban doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM