Madaxa hay'adda sirdoonka Israa'iil oo ka dhoofay magaalada Dooxa

Image
Afhayeen u hadlay dowladda Qatar ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan wadahadalka socda.

Qasa (GO) - Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Israel in "wadahadalladii ka dhacay caasimadda Qatar, ee ku saabsan xabbad joojinta Qasa ay ahaayeen kuwo wanaagsan, isaga oo rajeeyay in halkaas laga sii ambaqaadi doono.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in madaxa hay'adda sirdoonka Israa'iil (Mossad) David Barnea uu wadahadalo kula yeeshay magaalada Doha ee dalka Qatar, koox dhexdhaxaadiyaal ah, ka dibna waxa ay ku laabteen Israa’iil.

Dhankiisa, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar, Majed Al-Ansari, ayaa sheegay in hawlgalka ay Israa’iil ka billaabayso magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Qasa uu horseedi doono burbur weyn iyo "gabood-fallo" aan horay loo arag.

Waxa uu intaa ku daray mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Doha in Qatar ay si taxadar leh rajo uga qabto wadahadalka xabad joojinta ee Qasa.

Shabakadda Mareykanka ee Axios ayaa soo xigatay ilo si toos ah ula socday kulamadii Doha, in wufuudda Israa’iil iyo Xamaas ay muujiyeen tanaasul, iyo in ay diyaar u yihiin wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM