Madaxa hay'adda sirdoonka Israa'iil oo ka dhoofay magaalada Dooxa

Image
Afhayeen u hadlay dowladda Qatar ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan wadahadalka socda.

Qasa (GO) - Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Israel in "wadahadalladii ka dhacay caasimadda Qatar, ee ku saabsan xabbad joojinta Qasa ay ahaayeen kuwo wanaagsan, isaga oo rajeeyay in halkaas laga sii ambaqaadi doono.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in madaxa hay'adda sirdoonka Israa'iil (Mossad) David Barnea uu wadahadalo kula yeeshay magaalada Doha ee dalka Qatar, koox dhexdhaxaadiyaal ah, ka dibna waxa ay ku laabteen Israa’iil.

Dhankiisa, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar, Majed Al-Ansari, ayaa sheegay in hawlgalka ay Israa’iil ka billaabayso magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Qasa uu horseedi doono burbur weyn iyo "gabood-fallo" aan horay loo arag.

Waxa uu intaa ku daray mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Doha in Qatar ay si taxadar leh rajo uga qabto wadahadalka xabad joojinta ee Qasa.

Shabakadda Mareykanka ee Axios ayaa soo xigatay ilo si toos ah ula socday kulamadii Doha, in wufuudda Israa’iil iyo Xamaas ay muujiyeen tanaasul, iyo in ay diyaar u yihiin wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo markii ugu horreysay muddo bilo ah weerartay Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa digniin amni ka soo saartay khatar ka jirta Al-Kharj, oo qiyaastii 85 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Riyadh.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:46PM

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira amniga Soomaaliya

Mooshinka ayaa tilmaamay in inkasta oo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay haystaan shaqaale iyo qalab ku filan.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:31PM