Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka oo ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo ka dhacda Qasa

Image
Dagaalka ka socda Marinka Qasa ayaa galay maalintiisii ​​127-aad.

Qasa (GO) - Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ku baaqay in xabbad joojin degdeg ah oo u dhaxaysa Israel iyo Falastiiniyiinta laga dhaqan geliyo marinka Qasa.

Adhanom Ghebreyesus ayaa qoraal kooban oo soo dhigay baraha Bulshada in baahi loo qabo in gargaar la gaarsiiiyo dhamaan Shacabka ku dhaqan Qasa.

Dagaalka ka socda Marinka Qasa ayaa galay maalintiisii ​​127-aad, iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan deegaannada kala duwan ee Marinka Gaza.

Waxaa sidoo kale sii kordhaya suurtagalnimada in ciidamada Israa’iil ay howlgal dhulka ah ka fuliyaan magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Qasa. oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof oo barakacayaal ah., aas oo ka dhalan karto masiibo bini'aadantinimo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM