Madaxii amniga hogaamiyihii la dilay ee Haiti oo la xiray
PORT-AU-PRINCE, Haiti - Booliska Haiti ayaa xiray madaxa kooxda amniga ee Jovenel Moise. Talaabadan waxay qeyb ka tahay baaritaanka socda ee ku saabsan dilkii madaxweynaha ee dhacay 7-dii July, 2021.
Madaxa amniga Jean Laguel Civil ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa shirqoolkii sababay in Moise lagu dilay gurigiisa xilli saq dhexe. Falkaas waxaa la sheegay in ay fuliyeen ciidamo kumaandoos ah oo hubeysan oo hareer maray ilaalada madaxweynaha iyagoo aan wax rasaas ah ridin.
Civil ayaa la dhigay xabsi ku yaal Delmas, oo u dhow caasimada, Port-au-Prince. Ma jiraan wax caddeymo ah oo durba lasoo bandhigay kuna saabsan in uu door ka cayaaray weerarkaas lasoo abaabulay.
"Waxaan xaqiijin karaa in Jean Laguel Civil lagu xiray Isniintii talaabo qeyb ka ah baaritaanka booliska ee dilkii madaxweyne Jovenel Moise,” ayuu u wakaalada wararka ee AFP u sheegay afhayeenka booliska Marie Michelle Verrier.
Qareenka eedeysanaha, Reynold Georges, ayaa sidoo kale wuxuu xarigiisa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press Isniintii. Xarigga macmiilkiisa ayuu ugu yeeray "arrimo siyaasadeed".
Latuhunsanahan oo loo dhaadhiciyey jeel uu ku xiran yahay kaligiisa ayaa wuxuu ku biirayaa in ka badan 12 kale oo looga shakisan yahay falkaas kuwaas oo booliska xiray.
Gudoomiyaha Port-au-Prince Bed-Ford Claude ayaa horey amar ugu siiyay maamulka socdaalka inay ka mamnuucaan dalka afar sarkaal oo boolis ah oo masuul ka ahaa amaanka hogaamiye Moise.
Booliska ayaa Isniintii sidoo kale waaran u soo saaray Wendelle Coq Thelot, oo ah garsooraha maxkamada ugu sareysa dalka ee uu Moise shaqada ka eryay kahor inta aan la khaarijin.
Faahfaahinta dilku wali ma cadda, laakiin ra’iisul wasaaraha cusub ee la magacaabay Ariel Henry wuxuu cod dheer ku ballan qaaday inuu sharciga horkeeni doono kuwii dilay Moise.
Booliska ayaa sidoo kale xiray ilaa 20 muwaadin oo reer Colombia ah qeybna ka ahaa dhagarta ay sheegeen inay soo abaabuleen koox u dhalatay Haiti "kuwaasoo gacansaar la leh shabakado ku sugan dibadda".
GAROWE ONLINE