Madaxii sirdoonka Israa’iil Aharon Haliva oo xilka iska casilay

Image
Is-casilaadda sarkaalka sare ayaa timid ka dib guul-darradii 7-dii Oktoobar,

Quds (GO) - Madaxii sirdoonka Israa’iil Aharon Haliva ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilayo xilkaasi. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah.

Is-casilaadda sarkaalka sare ayaa timid ka dib guul-darradii 7-dii Oktoobar, iyada oo la tixraacayo weerarka dhaqdhaqaaqa Xamaas ku qaaday deegaannada ku hareeraysan Qasa.

Weeraradaasi ayaa lagu dilay 1,200 oo qof, laguna qabtay 240 maxbuus ah.

Wararku waxa kale oo ay intaa ku darayaan in Taliyaha is-casilay ee Hay’adda Sirdoonka Milliteriga uu istiqaaladiisa u gudbiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Haliva waxa uu hore u qirtay mas'uuliyadda ka saaran inuu ku guul daraystay inuu bixiyo digniin horudhac ah ka hor inta uusan dhicin weerarka 7dii Oktoobar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM