Madaxweynaha dalka Mareykanka oo booqan doona dalka Itoobiya

Image

Barack Obama ayaa noqon doona madaxwaynihii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo isaga oo xilhaya booqda dalka Itoobiya sida laga sheegay aqalka cad ee Maraykanka.

Obama waxa uu u safri doonaa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa dhamaadka bisha lixaad ee sanadkan.

Dalka itoobiya waxa uu kala hadli doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin, dardar galinta kobaca dhaqaalaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo sidii sare loogu qaadilahaa ammaanka, sidaasi waxaa sheegay xoghaya saxaafada ee aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Socdaalkaas kahor waxa uu booqan doonaa dalka Kenya safarkaas oo horay loo sii shaaciyay, Kenya waa dalkii uu aabihii ka soo jeeday.

Safarkana waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey oo isaga oo madaxweyne ah uu ku booqdo dalkaasi.

Hogaamiyaha Maraykanka waxa uu Kenya kaga qaybgalayaa shir ku saabsan hal abuurka ganacsiga.

Obama waxa uu horay u booqday dalaka Ghana, Masar, Senegal, Tanzania iyo Koonfur Afrika.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM