Madaxweynaha France oo garabka looga dhuftey Ukun

Image
Muuqaalka dhacdadan oo si weyn ugu faafay baraha bulshada wuxuu muujinayaan in Ukunta aysan jebin

PARIS, France - Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa garabka looga dhuftey Ukun isaga oo carwo lagu soo bandhigayay cunto kaga qeybgalaya magaalada Lyon.

Muuqaalka dhacdadan oo si weyn ugu faafay baraha bulshada wuxuu muujinayaan in Ukunta aysan jebin iyo ilaalada Macron oo durba isku hareereeyay hogaamiyahan.

Sidoo kale, waxaa la maqlayaa Macron oo oranaya "haddii uu doonayo in uu wax ii sheego, ha ii yimaado," sida ay sheegeen wariyeyaal goobjoog u ahaa dhacdadan.

Wali saraakiisha amniga kalama caddeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhacdadan. Sidoo kale, waxaana la ogeyn qofka Macron kusoo tuuray Ukunta.

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku warantay in dambi-baareyaasha ay ku howlan yihiin baadigoobka shaqsigan oo loo maleynayo in uu kamid yahay dadka naqdiya Macron.

Bishii June ee sanadkan 2021-ka ayay ahayd markii Macron uu nin ku dharbaaxay goob fagaare ah. Dhacdadaas wuxuu hogaamiyahan ku sifeeyay "rabshad iyo doqnimo fool xun".

Macron ayaa aad ugu caan-baxay siyaasadaha liddiga ku ah Islaamka. Maamulkiisa wuxuu hadda wajahayaan dhaleeceyn ku aadan in uu faquuqo bulshadda Muslimiinta ee dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM