Frank-Walter waalid sharafeed u noqday gabar Soomaali ah

Image

BARLIN, Germany – Qoys Soomaaliyeed ayaa farxad iyo damaashaad ku jira markii fursad aysan ka war-qabin oo hore-u-socod iyo taariikh cusub dhigeysa ay gabadhooda ka heshay gudaha Jarmalka.

Saynab Jaamac Cali, waa hooyadda sagaal caruur ah, hase ahaatee mid kamid ah hablaheeda ayaa aad u nasiib badan maadaama uu waalid sharareed uu u noqoday madaxweynaha wadankaas.

Germany, dal ku yaala galbeedka Yurub, ayaa dhaqan ahaan hadii reer uu u dhasho cunug 7aad isaga oo muwaadin Jarmalka ah, waxaa adeer sharafeed u noqonaya hogaamiyaha.

Talaabadan oo soo bilaabatay 1949-kii ayaa waxaa tan iyo 2016-ka hogaamiyeyaasha qarankaas ay waalid sharafeed ugu noqdeen 79,825 caruur ah, sidda lagu shaaciyay warbixin.

Fursadaas waxaa iminka hantiyey qoyska uu aabaha u helay Jaamac Cali, kaasi oo rajeynaya in gabadhiisa dhalatay 24-ka bishii June 2019-ka ay heli doonto fursad ka badan muwaadiniinta kale.

Isniintii 30-ka September 2019-ka, madaxweyne Frank-Walter Steinmeier oo qaabilay qoyskan Soomaaliyeed ayaa wuxuu gudoonsiiyey shahaadaro sharafta, lacag iyo hadiyo kale.

"Waxaa adeer sharafeed u noqonaya madaxweynaha iyo kan xiga," ayuu u sheegay VOA-da. "Haa," ayuu ku war-celiyay markii la su'aalay in ay tahay aqoonsashada ay abid jireyso.

Inta la og-yahay qoyskan ayaa noqonayaa reerkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed, kaasi oo ku guuleysta arrintan, wallow ay jiri karaan kuwa kale oo Ubad badan haysta balse aan ka war-hayn.

"Waxay leedahay lamber-sireed ay kala xiriiri karto…maadaama uu adeer u yahay madaxweynaha, waxay ka fursad badan tahay dadka kale ee caadiga ah; dhanka waxbarashada iyo caafimaadka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM