Madaxweynaha Mareykanka oo fahfaahiyay howlgal uu amray

Image
Howlgalkan ayaa waxaa laga fuliyay gudaha wadamadda Ciraaq iyo Suuriya.

WASHINGTON, USA - Bayaan fahfaahsan ayaa waxa uu ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Joe Biden kaas oo ku saabsan hawlgallada Mareykanka ee Bariga Dhexe. kadib markii ay askarta Ameerikaanka ah la beegsaday.

Axaddii la soo dhaafay, saddex askari oo Mareykan ah ayaa ku dhintay Jordan, kadib markii ay la kulmeen weerar drone ah oo ay soo qaadeen kooxo xagjir ah oo ay taageerto Iran.

"Jimcadii, waxaa lagu soo celiyay maydkoodii saldhigga Ciidamada Cirka ee Dover waxaana tacsi u diray qoysaskooda," ayaa lagu yiri bayaanka Biden oo aad u koobanaa.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Jawaab celinteenna, aniga oo amraya ciidamada Mareykanka, ayaa beegsaday goobaha IRGC iyo maleeshiyaadka ee Iraq iyo Syria, iyaga oo ujeedadu tahay in laga hortago hanjabaadaha ka dhanka ah ciidanka Mareykanka".

"Weerarkaan, oo maanta aan amrey, wuu sii socon doonaan inta laga gaarayo ujeedka laga leeyahay. Inkasta oo Mareykanka uu raadinayo nabad, waxaan difaaci doonnaa khataraha dadkayaga ka dhanka ah ah," ayaa lagu soo xiray.

Dhawaqan ayaa yimid xilli ciidamada Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaal Suuriya taas oo jawaab u ah geerida dhawaan ku timid askar Mareykan ah oo ku sugnaa saldhig ku yaallo Jordan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM