Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay xabad-joojinta Gaza

Image
Joe Biden ayaa arrinkan soo hadal-qaadey xilli uu la hadlayay warbaahinta Ameerika.

WASHINTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in ay adag tahay in la xaqiijiyo xabad-joojin laga gaaro dagaalka Israa’iil ay ku wado Gaza marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan.

"Waxay u muuqataa mid adag," ayuu Joe Biden u sheegay suxufiyiinta markii la waydiiyay in heshiiska lagu joojinayo dagaalka socdey shanta bilood ah la gaari karo kahor bisha Ramadaan taas oo bilaabmaya horaanta Axadda iyadoo ku xiran aragtida dayaxa.

Biden waxa uu intaa ku daray in "waan hubaa" in aan ka walaacsanahay suurtagalnimada rabshado ka dhaca bariga Quddus ee ay Israa'iil haysato marka ay soo dhawaato bisha Ramadaan, isaga oo ku daray digniin la mid ah horaantii toddobaadkan.

Kooxda wax iska caabinta ee Xamaas ayaa waxay ku boorisay dadka Falastiiniyiinta in ay u abaabulaan dhanka dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee Bariga Quddus.

Sidoo kale, waxa ay sheegtay in aan wax tanaasul ah laga sameyn doonin dalabka dhaqdhaqaaqa ee ah in Israa’iil ay gabi ahaanba isaga baxdo Qaza si loo sii daayo la haystayaasha u xiran Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM