Madaxweynaha Masar oo Qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyay Al-Burhan

Image
Labada Hogaamiye ayaa ka wada hadli doona dagaalka ka socda Suudaan.

Qaahira (GO) - Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Qaahira ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Sudan Abdel Fattah Al-Burhan.

Madaxtooyada Masar ayaa daabacday muuqaal fiidiyoow ah oo muujinaya Sisi oo Al-Burhaan ku qaabilaya Garoonka diyaaradaha ee Qaahira, halka weriyaha madaxtooyadu uu tilmaamay in booqashadani ay taabanayso dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Waxa uu intaa ku daray, Booqashadani waxaa lagaga wada hadlo sidii loo dejin lahaa isfaham dhex mara dhinacyada kala duwan ee Suudaan, isaga oo tixraacaya dagaallada u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo xoogagga Taageerada degdegga ah RSF ee uu hoggaamiyo Muhammad Hamdan Dagalo.

Dagaalka u dhexeeya Al-Burhaan iyo ku xigeenkiisii ​​hore Dagalo, ayaa socday tan iyo bishii April ee sanadkii hore, waxaana ku dhintay boqolaal kun oo ay ku jiraan 15,000 qof oo ku dhintay hal magaalo oo ku taalla gobolka Darfur ee galbeedka dalkaas.

Dagaallada ayaa sidoo kale horseeday in in ka badan 10 milyan oo Suudaani ah ay ku barakacaan gudaha dalka iyo dalalka deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM