Madaxweynaha Masar oo Qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyay Al-Burhan

Image
Labada Hogaamiye ayaa ka wada hadli doona dagaalka ka socda Suudaan.

Qaahira (GO) - Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Qaahira ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Sudan Abdel Fattah Al-Burhan.

Madaxtooyada Masar ayaa daabacday muuqaal fiidiyoow ah oo muujinaya Sisi oo Al-Burhaan ku qaabilaya Garoonka diyaaradaha ee Qaahira, halka weriyaha madaxtooyadu uu tilmaamay in booqashadani ay taabanayso dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Waxa uu intaa ku daray, Booqashadani waxaa lagaga wada hadlo sidii loo dejin lahaa isfaham dhex mara dhinacyada kala duwan ee Suudaan, isaga oo tixraacaya dagaallada u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo xoogagga Taageerada degdegga ah RSF ee uu hoggaamiyo Muhammad Hamdan Dagalo.

Dagaalka u dhexeeya Al-Burhaan iyo ku xigeenkiisii ​​hore Dagalo, ayaa socday tan iyo bishii April ee sanadkii hore, waxaana ku dhintay boqolaal kun oo ay ku jiraan 15,000 qof oo ku dhintay hal magaalo oo ku taalla gobolka Darfur ee galbeedka dalkaas.

Dagaallada ayaa sidoo kale horseeday in in ka badan 10 milyan oo Suudaani ah ay ku barakacaan gudaha dalka iyo dalalka deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM