Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Image

Belgrade – Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Midowga Yurub uu galay marxalad “meel aan laga laaban karin,” kaddib go’aanka Washington ay ciidamo uga saarayaan Jarmalka.

Vučić ayaa tilmaamay in tallaabada Mareykanka ay tahay “farriin siyaasadeed oo culus” oo muujinaysa in dano hore u dhexeeyey Washington iyo Brussels ay hadda kala fogaadeen. Sida uu sheegay, arrintani waxay calaamad u tahay bilowga “iska horimaad u dhexeeya Mareykanka iyo Jarmalka” oo uu saadaaliyay in uu si degdeg ah u sii xumaan karo.

Madaxweynaha Serbia ayaa sidoo kale ka digay in xiisaddan cusub ay saameyn ballaaran ku yeelan karto Yurub iyo Balkans-ka, isagoo sheegay in Serbia ay halis ugu jirto in ay “dhex gasho saameynta khilaafka” haddii xaaladdu sii xumaato.

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka, taas oo qeyb ka ah dib-u-eegis lagu sameynayo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Yurub.

Tallaabadan ayaa sii kordhisay walaaca NATO iyo xulafada reer Yurub, iyadoo ay sii xoogeysanayaan murannada siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Washington iyo Berlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM