Madaxweynaha Somaliland oo ka hadley iscasilaada wasiirada

Image

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo goor dhoweyd saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in wasiirada iscasilay ay xaq u leeyihiin, halkoodiina ay cid kale soo geli doonto.

Hadalkan madaxweynaha, ayaa ka danbeeyay shan wasiir iyo saddex wasiir xigeen oo iska casilay maanta xukuumadiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiiradii madaxtooyada, arimaha dibedda, shaqada iyo arimaha bulshada, cadaaladda iyo hawlaha guud. Wasiir ku xigeenaduna waa, wasiir xigeenadii hawlaha guud, dib u dejinta, iyo shaqada iyo Arimaha bulshada.

Wasiirka arimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi yoonis, wuxuu BBC-du sheegay inay isu casileen wasiiradani, iyadoo buu yidhi madaxweynuhu la saftay murashax gaar ah, halkii uu dhex u noqon lahaa murashaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye.

Hadaba, weriyaha BBC ee hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa wareystay madaxweyne Axmed siilaanyo galabta, wuxuu ugu horeyn weydiiyay siduu u arko is casilaadda wasiirada xukuumadiisa.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA MADAXWEYNE SIILAANYO

Xigasho: BBC

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM