Madaxweyne Tacliinta 'u adeegsanaya hub uu ku fusho ajande siyaasadeed'

Image

SAO PAULO, Brazil – Kumanaan arday, Barreyaal iyo Bilmi-baareyaal ku sugan Brazil ayaa Arbacadii isugu soo baxay wadooyinka si ay uga dhiidhiyaan markii ay dowladdu jartay miisaaniyada waxbarashada.

Banaanbaxayaasha oo u muuqda kuwa careysan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Jair Bolsonaro in uu tacliinta u adeegsanayo "hub siyaasadeed" si uu ugu fusho ajande uu dabada ka riixayo.

Wasaarada Waxbarashada oo sheegtay in go’aankaasi uu saameeyay guud ahaan adeegyada bulshada ayaa waxay ku dooday in ay sabab u tahay dhaqaalo burbur xoogan oo ka jida wadankaasi.

Midowga Ardayda Brazil oo ku gacan-seyray fasiraad wasaarada ayaa sheegay in Bolsonaro uu arrintaan uga gon-leeyahay si uu xeer-dejinta ugu cadaadiyo ay meel-mariyaan xeer uu wato.

Hindisa Sharciyeedkaasi oo aad la isugu soo dabariday balse muran badan dhaliyay ayaa qeexaya da'da howl-gabnimadda.

"Mudaaharaadka wuxuu ka dhan yahay waxa ka dhacaya wasaarada waxbarashada," ayuu yiri Celso Napolitano, madaxweynaha Midowga Macalimiinta magaaladda Sao Paulo.

Dibad-baxyadda oo ah kuwa si nabdoon u socda ayaa waxaa la filayaa in ay sii socdaa maalmaha soo aadan.

"Dhaqaalaha oo laga jaro Jamaacadaha Federaalka waxay ka dhigan tahay geeri ku hab-satay waxsoosaarka sayniska ee Brazil," ayuu hadalkiisa kusii daray Napolitano, sida ay kasoo xigtay warbaahinta.

Isu soo baxa oo ka dhacay 27 magaalo oo kamida guud ahaan wadankaasi dhaca qaarada Ameerika ayaa waxay dadku barha bulshada ku adeegsanayaa erayga "duufaantii waxbarahada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM