Madaxweynihii Afghanistan oo "u baxsadey dalka dibadiisa"
KABUL, Afghanistan - Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dalka ka baxay, sida ay ku warameyso warbaahinta caalamiga ah oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan dowladda Afghanistan iyo illo wareedyo amni.
Talaabadda ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo falaagadda Taliban ay gaareen duleedka Kabul. Madaxweyne ku xigeenka, Amrullah Saleh, waxaa la sheegay in uu ka hayaamay waddanka.
Mr Ghani ayaa la kulmay cadaadis sii kordhaya oo ah inuu is casilo maadaama magaalooyinka waaweyn ee ku hareereysan Afgaanistaan ay gacanta u galeen mintidiinta Taliban muddo 10 maalmood ah.
Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, Ghani u dhoofay Tajikistan. Ma cadda in uu sii ahaan doona madaxweynaha la doortey ama in uu shaqada ka tagi doono.
Taalibaan ayaa ku amartay dagaalyahanadooda inay galaan qeybo ka mid ah Kabul si ay uga hortagaan dhaca, sida uu sheegay afhayeenkooda Zabihullah Mujahid oo u waramay telefishinka Tolo.
Falaagadda ayaa qarka u saaran in ay la wareegto gacan ku haynta dowladda Afghanistan. Dagaalameyaasha waxay aroornimadii maanta ay hareereeyeen magaaladda caasimadda ah ee Kabul.
Hogaamiyeyaasha labadda dhinac ayaa lagu waramay in ay leeyihiin wadaxaajoodyo ay ugu gogol-xaarayaan awood-wareejin nabadeed. Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in la dhisi doono dowlad ku meelgaar ah.
Sidee xaalada halkan kusoo gaartey?
Abriil: Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay ka bixi doonaan Afghanistan laga bilaabo May illaa dhammaadna 11 -ka Sebtember, taasoo soo afjaraysa dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka
May: taalibaan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada Afghanistan ee ku sugan koonfurta gobolka Helmand, waxayna ku duuleen gobollo kale.
June: Ergayga Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan ayaa sheegay in Taalibaan ay qabsadeen in ka badan 50 ka mid ah 370 degmo. Taalibaan ayaa weeraro is xigxigay ka fuliyaY waqooyiga, iskuna fidiyey meelo oo ay kaga xooggan yihiin koonfurta.
21 Luulyo: Taalibaan ayaa gacanta ku dhigtay kala bar degmooyinka dalka, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah
6 Ogosto: Dagaalameyaasha waxay qabsadeen Zaranj oo ku taal koonfurta, oo ahayd caasimaddii ugu horreysay ee mid kamid ah gobolada taasoo noqotay markii ugu horeysay oo magaala madax qabsadaan muddo sannad ah.
Ogosto 13: Afar magaalo goboleed oo kale ayay hal maalin la wareegeen, oo ay ku jirto Kandahar, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn waddankaas
Ogosto 14: Taalibaan waxay qabsadeen magaalada weyn ee Mazar-i-Sharif
15 Ogosto: Waxay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee bariga Jalalabad kadib dagaal la'aan, iskuna hareereeyay magaaladda caasimadda ah ee Kabul.
Dhanka kale, qaar kamid ah howlgaladda diblumaasiyadeed ee Afghanistan sida Jarmalka waxaa loo laabay albaabadda cabsi darteed halka qaar kale ay shaqaalahooda ku shaqeynayaan garoonka diyaaradaha.
GAROWE ONLINE