Madaxweynihii Argentina oo dhimay tirada wasaaradaha.. Waa maxay 9-ka wasaaradood ee haray?

Image

Buenos Aires (GO) - Isla markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Argentina Javier Mele waxa uu bilaabay fulinta balamihii uu ololaha doorashada ku galay, isaga oo dhimay tirada wasaaradaha dalka oo markii hore ahaa 18 kana dhigay 9 wasaaradood.

Wareegtadan oo uu ku saxeexnaa Milley ayaa u dhignayd sidan: “Waxaa lagama maarmaan ah in la waafajiyo qodobada xeerka wasaaradaha iyo ujeedooyinka gaarka ah si loo saxo waxqabadyada qaranka iyo sidii loo tayayn lahaa.”

9-ka wasaaradood ee soo haray ayaa kala ah: Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda, Dhaqaalaha, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Cadaaladda, Ganacsiga Caalamiga ah, Diinta, Caafimaadka, iyo Hanti-dhowrka.

Halka Wasaaradaha Hawlaha Guud, Waxbarashada, Dhaqanka, Shaqada iyo Horumarinta, laga xayuubiyay maqaamkoodii hore ee wasaarad ahaan, waxaana loo beddelay waaxyo keliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM