Madaxweynihii France ee labada jeer geerida ka badbaaday oo dhintay

Image

PARIS, France – Madaxweynihii hore ee Faransiiska, Jacques Chirac ayaa dhintay isaga oo 86-sano jir ah, sidda uu Khamiista maanta ah shaaciyey qoyskiisa.

Chirac, oo ku dhshay Paris, caasimadda France, ayaa xukunka hayey intii u dhaxeysay May 17, 1995 illaa iyo May 16, 2007.

Hogaamiyeyaal kala duwan oo caalamka ah ayaa waxay ka fal-celiyeen geerida Jacques Chirac, iyaga oo ku ammaanay talaabooin uu qaadey.

Mid kamid ah go’aanadda cajiibka ah ee lagu xasuusan doono ayaa ah in uu kasoo horjeestay dagaalkii Mareykanka ku qaadey Ciraaq 2003-dii.

Sidoo kale, waxa uu aad u dhaleeceeyay dagaalkii Yahuuda la dhashay Lebanon sanadka markii uu ahaa 2006-dii.

Dadka isaga dhaliila ayaa aad u buun-buuniya fadeexo musuqmaasuqa oo hareeyay sumcadiisa markii uu ahaa Duqa magaalada Paris.

Sanadkii 2000-dii markuu ku dhowaaday geeri markii diyaaradii uu saarnaa uu ku sugneyd madaarka Charles de Gaulle uu dab-qabsaday kadib shil.

Waqtigaas waxaa wehlisay marwadda koowaad. Labadooda waa ay ka badbadeen falkaasi noloshooda khatarta badan geliyay.

Laba sano kadib, nin hubeysan ayaa rasaas ku gannay mooto uu saarnaa intii lagu guda jiray dabaaldegii Bastille Day, maalinta xorriyadda Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM