Madaxweynihii Tunisia oo u geeriyooday xanuun muddo hayey

Image

TUNIS, TUNISA – Madaxweynihii ugu horeeyay ee sida xorta ah loogu doortay Tunisa ee Beji Caid Essebsi ayaa ku dhintay da'da 91-jir, sidda ay shaacisay madaxtooyadda.

Isagu wuxuu ahaa madaxweynihii ugu da'da waynaa ee xukunka hayay. Isbitaal ayaa la dhigay Arbacadii balse mas'uuliyiin ma sheegin sababta loo dhabiibayey.

Mr Essebsi ayaa ku guuleystay sanadkii 2014-kii doorashadii ugu horeysay ee si xor ah uga dhacda Tunisia kadib gugii Carabta ee gobolka ka dilaacay.

Horaantii sanadkan 2019, waxa uu ku dhawaaqay in uu usoo istaagi doonin doorashadda la filayo bisha soo aadan ee November.

Mr Essebsi ayaa sidoo kale waa dabaqaayadii sanadkan loo dhigay isbitaal markii uu wehel u noqday "dhibaatooyin caafimaad".

Isaga oo aanan bixin fahfaahin dheeri ah, ra’iisul wasaare Youssef Chahed oo isbitaal ku booqday, wuxuu dalbaday in aan "loo dhutin wararka been abuurka ah".

Madaxweynihii hore ee Tunisia, ninka la yiraahdo Zine el-Abedine Ben Ali, ayaa 2011-kii la eryay kadib muddo 23-sano ah oo uu xabsi ku jiray.

Tan iyo xiligaasi, Tunisia ayaa waxaa aad loogu ammaanay hirgelinta nidaamka dimoqraadiyadda wixii ka dambeeyay kacaankii hirgelay ee gugii Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM