Madaxweynihii ugu horeeyay ee Zambia oo geeriyoodey

Image

LUSAKA, Zambia - Madaxweynihii ugu horreeyay ee Zambia, Kenneth Kaunda, ayaa dhintay isagoo jira 97. Wuxuu ahaa aabihii aasaasay waddanka isagoo xukumayay 27 sano laga bilaabo 1964 kadib markii ay xorriyadda ka qaateen Ingiriiska.

Dhimashada Kaunda ayaa timid maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la dhigay isbitaalka militariga ee Maina Soko oo ku yaal magaala madaxda Lusaka, halkaas oo laga daweeyay oof wareenka laga bilaabo Isniinta.

Qoraal Facebook uu soo dhigay wiilkiisa Kambarage Kaunda, ayaa ku dhawaaqay geerida madaxweynihii aasaasay Zambia. Kambarage wuxuu weydiistay in loo duceeyo aabihiis oo uu ugu yeeray "Mzee".

Kaunda oo loogu magac daray "Gandhi Afrikaan" sababo ku aadan dhaqdhaqaaqiisa aan rabshada lahayn, wuxuu u horseeday maxmiyaddii hore ee Ingiriiska Waqooyiga Rhodesia xornimo aan dhiig ku daadan Oktoobar 1964.

Wuxuu ahaa hantiwadaag, inta badana wuxuu ku hoos jiray nidaam hal xisbi ah, maamul xumadiisuna waxay keentay dhibaato dhaqaale iyo mid bulsho oo aad u daran.

Iska-caabino rabshado wata ka dib, wuxuu aqbalay doorashooyin xor ah 1991 waana laga adkaaday. Waxay ahyad doorashadii ugu horeysay ee xisbiyo badan muddo 23 sano ah, taas oo uu kaga adkaaday mucaaradkiisa mudada dheer oo ah midowga shaqaalaha Frederick Chiluba.

Intii uu xukunka haystay, waxay martigelisay dhaqdhaqaaqyo badan oo u dagaallamayay madax-bannaanida ama sinnaanta madow ee dalalka kale ee gobolka, oo ay ku jiraan xisbiga African National Congress (ANC) ee Koonfur Afrika.

Iyaddoo sidoo kale loo yaqaano "KK", wuxuu ahaa hogaamiyaha xisbiga wadaniga bidix-dhexe ah ee UNIP. Wuxuu kaloo noqday nin u ololeeya cudurka Aids-ka markii uu si cad ugu dhawaaqay in mid kamid ah wiilashiisa uu u dhintay cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM