Malaysia: Covid-19 oo cadaadis saarey dowlada iyo mucaaradka

Image
Hogaamiyeyaasha labada dhinac ayaa aakhirkii ku qasbanaadey in ay heshiis iskaashi kala saxiixdaan.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Ra'iisul wasaaraha Malaysia, Ismaaciil Sabri Yaakob, ayaa la saxiixi doona heshiis iskaashi mucaaradka dalka kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo taageeradiisa iyo in la soo afjaro xasillooni darrada siyaasadeed ee yimid iyada oo ay dowladdu la halgameyso kororka COVID-19 noociisa cusub.

Heshiiska ayaa lagu wadaa in la saxiixo 5 -ta galabnimo (13:00 GMT) maalinta Isniinta, sida ay sheegeen wakiilo ka socda dowladda iyo mucaaradka fiidnimadii Axadda.

Baarlamaanka Malaysia ayaa bilaabay fadhigiisa Isniinta markii ugu horreysay tan iyo markii Ismaaciil Sabri oo xubin sare ka ahaa United National Malays National Organization (UMNO) uu xukunka la wareegay kadib markii bishii hore uu is casilay guddoomiyihii hore Muhyiddin Yaasiin.

Boqorka, oo dastuuriyan hogaamiyaha ah, ayaa ku boorriyay ra’iisul wasaaraha cusub inuu helo codka kalsoonida dhamaan darafyadda siyaasadda si uu u caddeeyo taageeradiisa.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in heshiiska loogu talagalay in lagu abuuro xasillooni siyaasadeed "si loola dagaallamo masiibada COVID-19 loona soo nooleeyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo iskaashiga labada dhinac.”

Jimcihii, Ismaaciil Sabri wuxuu ku dhawaaqay isbadallo siyaasadeed oo isdaba-joog ah oo ay ka mid yihiin in muddada ra’iisul wasaaraha lagu xaddido 10 sano iyo hirgelinta dhimista da’da codbixinta oo la gaarsiiyay 18, taas oo lagu meel -mariyey xukuumaddii hore.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay sidoo kale si dhow ula shaqeyn doonto mucaaradka si loo hubiyo heshiis laba geesood ah, iyo in sare loo qaado jagada hoggaamiyaha mucaaradka oo la mid ah darajada iyo mushaharka golaha wasiirrada.

Muhyiddin, oo noqday ra'iisul wasaare ka dib awood-korodhsi horseeday burburkii isbahaysigii Pakatan Harapan ee la doortay May 2018, ayaa xilka ka degay bishii Ogosto kadib 17 bilood oo uu xukunka hayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM