Malaysia: Covid-19 oo cadaadis saarey dowlada iyo mucaaradka

Image
Hogaamiyeyaasha labada dhinac ayaa aakhirkii ku qasbanaadey in ay heshiis iskaashi kala saxiixdaan.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Ra'iisul wasaaraha Malaysia, Ismaaciil Sabri Yaakob, ayaa la saxiixi doona heshiis iskaashi mucaaradka dalka kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo taageeradiisa iyo in la soo afjaro xasillooni darrada siyaasadeed ee yimid iyada oo ay dowladdu la halgameyso kororka COVID-19 noociisa cusub.

Heshiiska ayaa lagu wadaa in la saxiixo 5 -ta galabnimo (13:00 GMT) maalinta Isniinta, sida ay sheegeen wakiilo ka socda dowladda iyo mucaaradka fiidnimadii Axadda.

Baarlamaanka Malaysia ayaa bilaabay fadhigiisa Isniinta markii ugu horreysay tan iyo markii Ismaaciil Sabri oo xubin sare ka ahaa United National Malays National Organization (UMNO) uu xukunka la wareegay kadib markii bishii hore uu is casilay guddoomiyihii hore Muhyiddin Yaasiin.

Boqorka, oo dastuuriyan hogaamiyaha ah, ayaa ku boorriyay ra’iisul wasaaraha cusub inuu helo codka kalsoonida dhamaan darafyadda siyaasadda si uu u caddeeyo taageeradiisa.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in heshiiska loogu talagalay in lagu abuuro xasillooni siyaasadeed "si loola dagaallamo masiibada COVID-19 loona soo nooleeyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo iskaashiga labada dhinac.”

Jimcihii, Ismaaciil Sabri wuxuu ku dhawaaqay isbadallo siyaasadeed oo isdaba-joog ah oo ay ka mid yihiin in muddada ra’iisul wasaaraha lagu xaddido 10 sano iyo hirgelinta dhimista da’da codbixinta oo la gaarsiiyay 18, taas oo lagu meel -mariyey xukuumaddii hore.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay sidoo kale si dhow ula shaqeyn doonto mucaaradka si loo hubiyo heshiis laba geesood ah, iyo in sare loo qaado jagada hoggaamiyaha mucaaradka oo la mid ah darajada iyo mushaharka golaha wasiirrada.

Muhyiddin, oo noqday ra'iisul wasaare ka dib awood-korodhsi horseeday burburkii isbahaysigii Pakatan Harapan ee la doortay May 2018, ayaa xilka ka degay bishii Ogosto kadib 17 bilood oo uu xukunka hayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM