Malaysiya oo xirtey nin looga shakiyey inuu basaas u yahay Israa'iil

Image
Tani ayaa imaanaysa xilli Yahuuda ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah dhulka Gaza.

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Cad ayaa ogolaaday inuu Israa’iil u diro $2.5 bilyan taageero maaliyadeed oo oo hub ah in kasta oo ay sii kordhayso cambaaraynta dagaalka Gaza iyo cadaadiska sii kordhaya ee ka imaanaya Senetarada Dimuqraadiga iyo xubnaha Congress-ka si loo xaddido gargaarka milatari ee Israa’iil.

Wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant ayaa ka digay in ciidamada Israel ay balaarin doonaan weerarada ka dhanka ah Xisbullah oo ay gaarsiin doonaan goobo badan oo dhinaca dhulka ah.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Israa’iil ay weerarro ku qaaday bartilmaameedyada Xisbullah ee Lubnaan iyo Suuriya halkaas oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Wiil yar oo 13 jir ah oo Falastiini ah ayaa lagu dilay dhowr kalena dhaawacay markii ciidamada Israa’iil ay xilli habeen ah weerarro dhiig badan ku daatay ay ku qaadeen magaalooyin ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto.

Kumanaan kun ayaa habeenkii lixaad oo xiriir ah isugu soo baxay waddooyinka magaalada Cammaan ee dalka Urdun si ay u cambaareeyaan dagaalka Israa’iil ay ku hayso Qaza, waxayna ku baaqayeen in la joojiyo heshiiska nabadeed ee Urdun ay la gashay dowladda Israa’iil.

Dhanka kale, Booliska Malaysiya ayaa nin hubaysan ku xiray huteel ku yaalla caasimadda Kuala Lumpur, kaas oo ay uga shakiyeen inuu basaas u yahay Israa’iil, sida ay wararku sheegayaan. Malaysia ayaa waxa ay si weyn u taageertaa qaddiyadda Falastiin, mana jirto wax xiriir ah oo diblomaasiyadeed oo ay la leedahay Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM