Mali oo ka digtay in fargelin militari lagu sameeyo dalka Niger

Image

BAMACO, Mali - Wasiirka Arrimaha Dibadda Mali Abdoulaye Diop ayaa Sabtidii uga digay Qaramada Midoobay in dalkiisu "uusan ka aamusi doonin" haddii fargelin militari lagu sameeyo Niger si loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah.

Muddo dhowr todobaad ah ayaa ururka ECOWAS waxa ay ku hanjabayeen in ay bilaabayaan faragelin milatari oo ay uga gol leeyihiin in ay xilka dib ugu soo celiyaan madaxweynihii hore Mohamed Bazoum.

Diop ayaa ka sheegay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, isaga oo wakiil ka ah taliska milatariga Mali, in dalkiisu "uu si adag uga soo horjeedo faragelin kasta oo ay sameeyaan ECOWAS."

Wuxuu intaas ku daray: "Duullaan kasta oo lagu sameeyo dalkan, waxay halis galineysa nabadda iyo ammaanka Mali & gobolkaba”.

Mali waxa ay heshiis dhanka difaaca ah la saxiixatay Niger iyo Burkina Faso toddobaad ka hor, kaas oo dhigaya in la iska kaalmeeyo haddii ay dhacdo weerar lagu bartilmaameedsanayo madax-bannaanida dhuleed ee saddexda waddan ee ay ciidamadu maamulaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM