Maraakiib kuwa Saliida qaada ah oo lagu weerarey gacanka Cumaan

Image

TEHRAN, Iiraan - Xayn kamid ah Shaqaalaha labo markab oo ah kuwa Saliida qaada ayaa la samata-bixiyey kadib markii qarax ku haleeley gacanka Cumaan, maanta oo Khamiis ah.

Dalka Iiraan ayaa sheegey in 21 kamid ah Shaqaalaha Markab, oo la yiraahdo Kokuka Courageous and 23 Ftont Altair, ay samata-bixyeen inkastoo Mareykanku tibaaxay in ciidankooda ay badbaadiyeen qayb kamid ah badmaaxiintaan.

Sababta qaraxa ka dhacey mid kamid ah marinada ugu mashquulsan caalamka ayaan la aqoon xili labada Markab ay weli kor heehaabayaan gudaha badda. 

Sarakiil ka tirsan dowladda Iiraan ayaa laga soo xigtay: "Dalka Iiraan wax xiriir ah lama laha shilkaan".

“Dad ayaa isku dayaya in xasilooni daro ku sameeyo xiriirka ay Iiraan la leeyahay caalamka,” ayuu sarkaal sare oo tirsan wadankaas raaciyey hadalkiisa.

Weerarkaan ayaa yimid bil kadib markii afar Markab oo ah kuwa qaada Saliida cayriinka lagu xirey qaraxyo iyagoo taagan dakad ku taal dalka Imaaraadka Carabta. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM