Maraykanka oo heshiis hordhac ah isugu keenay Sacuudiga iyo Israa’iil

Image

WASHINGTON - Aqalka Cad ayaa sheegay in wadahadallada lagu doonayo in lagu wanaajiyo xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Sacuudiga ay si wanaagsan u socdaan iyadoo la'isla gaatay “qaab-dhismeedka aasaasiga ah” ee heshiiska.

Wareysi uu siiyay suxufiyiinta ayuu afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka ee Aqalka Cad John Kirby ku sheegay: "Sida heshiis kasta oo adag, dhinac walba waa inuu tanaasul sameeyaa”.

Geesta kale, Wargeyska Al-Riyadh ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa Sabtidii qoray in Sacuudiga uusan ku degdegi doonin xiriir uu la sameynayo Israa’iil.

Wargeysku waxa uu xaqiijiyey in qadiyadda Falastiin ay tahay udub dhexaadka siyaasadda Sucuudiga, maadaama ay safka hore kaga jiraan dalalka heer kasta ka taageera sida ay sheegeen.

Sidoo kale, waxay sheegtay in wada xaajoodka uu qaadan doono waqti dheer inta heshiis laga gaarayo qodobbada la isku heysto, waxaana laga yaabaa in ay qaadato waqti ka badan intii la filayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM