Maraykanka oo looga digay inuu xayiraad ku soo rogo aaladda TikTok

Image
Dowladda Shiinaha ayaa fariimo Culus u jeedisay Maraykanka ka dib hadallo ka soo yeeray Biden.

Washington (GO) - Shiinaha ayaa maanta uga digay Mareykanka in xayiraada la soo jeediyay in lagu soo rogo aalada TikTok ay saameyn taban ku yeellan dooonto Washington.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa yiri, "Inkasta oo Maraykanku aanu waligiis helin cadaymo muujinaya in TikTok ay khatar ku tahay amniga qaranka Maraykanka, haddana ma joojin caburinta TikTok,"

Iyadoo tartanka doorashada Mareykanka uu soo dhawaaday, waxaa isha lagu haaya masiirka aalada "Tik Tok" ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu saxiixi doono sharci ku qasbi doona shirkadda leh TikTok "ByteDance" inay iibiso saamiyada ay ku leedahay muddo 6 bilood gudahood.

Marakanka ayaa mamnuuci doona Isticmaalka TikTok hadii shirkada oo laga leeyahay Shiinaha aysan fulin go’aankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM